Sunday, September 22, 2024

War-saxaafadeed ku saabsan xariga Agaasime Cali-nuur Salaad

Muqdisho (Dawan)- Waxaan si adag u cambaareyneynaa tillaabada uu Boliiska Soomaaliya ku  xiray Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad, laguna eedeeyay inuu sameeyay been abuur.

Arrintan waxay si cad uga hor imaaneysa xoriyadda hadalka, is naqdinta toosan iyo madax-bannaanidda Warbaahinta Soomaaliyeed

Cali-nuur Salaad waa shakhsi magac iyo miisaan ku dhex leh  bulshada Soomaaliyeed, isaga oo lasoo shaqeeyay hay’adaha dowladda iyo kuwa caalami ah, wuxuuna ka qayb qaatay  kor u qaaddida magaca iyo sumcadda dalkiisa iyo dadkiisa.

In iyada oo aan maxkamad la horgaynin si ula kac ah loogu sameeyo sharaf dil, laguna baahiyo baraha bulshada, waa arrin aad looga xumaado.

Waxaan  si degdeg ah oo shuruud la’aan ah  u codsanaynaa in Cali-nuur dib loo siiyo xorriyadiisa.

Dawan Media Group

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here