Sunday, September 22, 2024

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo cambaareeyay xariga Cali-nuur Salaad

Muqdisho (Dawan)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si adag u cambaareeyay xarigga loo geystay Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad , isaga oo tilmaamay inuu xad-gudub ku yahay xaqa dastuuriga ah ee muwaadinka iyo mabaadi’da xoriyatul qawlka.

“Suxufigu door muhiim ah ayuu ku leeyahay soo bandhigga xogta, xoojinta hufnaanta, iyo la xisaabtanka kuwa xilalka haya. Xarig kasta ama caburrin kasta oo lagula kaco suxufiga waxay ka dhigan tahay in lagu tumanayo dastuurka, laguna xadgudbayo xorriyada muwaadinka, lana diidanyahay isla xisaabtanka”. ayuu bartiisa Facebook kusoo qoray xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray inay lama huraan tahay in Xukuumaddu ilaaliso xuquuqda suxufiga, si ay ugu sahlanaato u gudashada waajibkiisa, iyaga oo aan ka baqayn cadaadis iyo caga juglayn.

Wuxuuna ugu dambeyn ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo Cali Nuur Salaad, xoriyadiisana dib loogu soo celiyo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here