Thursday, September 19, 2024

Israel oo duqeyn ku dishay hoggaamiyihii Xamaas Haniyeh

Tehran (Dawan)- Ururka Xamaas ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in la dilay madaxii dhanka siyaasadda, ee ururka, Ismaaciil Haniyeh, kadib duqeyn ay Israel la beegsatay guri uu ku sugnaa oo ku yaal caasimadda Iran ee Tehran.

Ururka ayaa uga tacsiyeeyay guud ahaan shacabka Falastiin iyo gaar ahaan qoyskii iyo eheladdii uu ka baxay Ismaaciil Haniyeh, waxa uuna ballan qaaday inuu sii socon doono dagaalkii uu kula jiray Israel inta laga xoreynayo dhulka Falastiin.

Telefishinka qaranka Iran ayaa sidoo kale baahiyay dilka Ismaaciil Haniyeh loogu geystay magaalada Tehran. Warbaahinta Iran oo soo xiganaysa mas’uuliyiinta dalkaas waxay sheegtay inuu socdo baaritaan la xiriira dilka hoggaamiyihii Xamaas, iyada oo lasoo bandhigi doono dhawaan.

Markii ugu dambeysay ee muuqaalkiisa la arko waxay ahayd fiidnimadii talaadada xilli uu ka qayb gelaayay xafladii caleema saarka madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian

Ismaaciil Haniyeh ayaa mar labaad loo doortay inuu noqdo madaxa xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas sannadkii 2021, waxa uuna mudda xileedkiisa ahaa ilaa 2025.

Tillabadan ay qaaday Israel ayaa u muuqata mid uga sii dareysa dagaalkii ka socday Bariga Dhexe, iyada oo wiiqi doonta rajadii laga qabay in la gaaro heshiis xabbad joojin ah.

Tan iyo bishii October ee sannadkii tegay, waxaa weerarada Israel ku dhintay kuna dhaawacmay in ka badan 130,000 oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo u badan haween iyo carruur, waxaana jira in ka badan 10,000 oo la la’yahay.

Israel waxay dhegaha ka fureysatay baaqyada caalamiga ah iyo go’aamidii kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Maxkamadda caalamiga ah ee ahaa in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Gaza, si gargaar bini aadanimo loo gaarsiiyo dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay duqeymaha aan kala sooca lahayn ee ay Israel la beegsanayso dadka rayidka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here