Thursday, September 19, 2024

Taliyaha cusub ee ATMIS oo xilka la wareegay 3 bilood kadib

Muqdisho (Dawan)- Jeneraal Sam Kavuma ayaa ugu dambeyn la wareegay xilka Taliyaha Ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) 28-kii July, iyada oo magacabistiisa ay kasoo wareegtay in ka badan seddex bilood.

Sam Kavuma ayaa bedelay Sam Okiding oo ay kasoo wada jeedaan Uganda kadib markii Okiding loo magacaabay Taliye ku xigeenka Ciidamada Difaaca Uganda.

Dowladda Uganda ayaa ku micneeysay daaha ku yimid la wareegista xilkiisa habraaca dheer ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, kaas oo ay lagama maarmaan tahay in loo soo maro xil la wareegista

Kavuma ayaa lagu wadaa inuu hoggaanka ATMIS sii hayo muddada shanta bilood ee ka harsan waqtiga ay kusii joogayaan Soomaaliya oo ku eg dhamaadka sannadkan, sida ku cad qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Markii uu Taliyaha cusub ee ATMIS soo gaaray Muqdisho 28-kii bishan July, waxa uu kulan la qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo taliyayaasha qaybaha kala duwan ee howlgalka.

Kavuma waxa uu warbixin ka dhageystay saraakiisha sar sare ee ciidamada ATMIS, iyada oo si kooban loogu sharraxay xaaladda amni ee Soomaaliya iyo horumarka laga gaaray fulinta waajibaadkii loo igmaday ATMIS

Howshan iyo imaanshaha Soomaaliya ma ahan mid ku cusub Kavuma. Waa markii labaad ee uu Soomaaliya u yimaado shaqo la xiriirta nabad ilaalin isaga oo markii hore lasoo shaqeeyay howlgalkii nabad ilaalinta Soomaaliya ee lagu magacaabi jiray AMISOM 2014- ilaa 2016.

Kavuma ayaa ku biiray ciidamada Uganda horraantii 1980-meeyadii, isaga oo jagooyin sarsare oo kala duwan soo qabtay, sida Taliye Qeybeed, Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Cirka, iyo Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Dhulka ee Uganda.

Waxa uu sidoo kale ka soo shaqeeyay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe isagoo hogaaminayay howlgal uu Midowga Afrika u diray dalkaas si loo ciribtiro koox dagaal kula jirtay dowladda.

Markale, waxa uu kormeere ka noqday hawlgallada Koonfurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Ciidmadama Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in ay Soomaaliya ka baxaan dhammaadka sannadka 2024-ka, iyaga oo billaabay in ay mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan Ciidamada Amniga Soomaaliya sida Xarumaha Madaxtooyada iyo Saldhigyo kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here