Thursday, September 19, 2024

Maxkamadda Racfaanka Mareykanka oo soo saartay go’aan ka farxiyay Jabuuti

Jabuuti (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa soo dhawaysay go’aankii Maxkamadda Racfaanka Mareykanka ay ku laashay 30-kii July, 2024-kii, xukunkii ay ridday maxkamadda darajada koowaad ee Mareykanka bishii February ee sannadkii 2023 kaas oo ku saabsanaa dacwaddii u dhexeysay Jabuuti iyo Shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta.

Labada dhinac ayaa isla tiigsaday maxkamadu caalami ah tan iyo markii uu soo kala dhex galay khilaaf ku saabsanaa heshiis dhanka dekadda Doraleh ah, iyada oo ay Jabuuti ku dhawaaqday inay joojisay heshiiski ay kula jirtay shiradda DP World sannadkii 2018.

Jabuuti waxay ku eeddeysay xilligaas DP World in ay si bareer ah ugu guul darraysatay in ay horumariso qaybta konteenarada ee dekadda Doraleh iyo inay si hoose heshiis ula gashay mas’uul ka tirsan madaxda Dekedda, iyada oo aan loo soo marin hannaan sax ah.

Jabuuti waxay haddda sheegtay in Maxkamadda Racfaanka ee Mareykankku ay qanacday caddeymaha ay soo bandhigeen wakiilada ka socday dhankeeda

Maxkamadda Xallinta Khilaafaadka London (LCIA) ayaa hore ugu xukuntay Jabuuti inay bixiso 474 milyan oo dollar oo magdhaw ah, tillaabadaas oo ay Jabuuti ku tilmaamtay mid sharci darro ah.

Jabuuti waxay sheegtay in shirkadda DCT oo hoos tagta DP World in aysan wax saami ah ku lahayn dekedda Jabuuti, ka dib markii heshiiskeedi dhammaaday bishii February 2018, xilligaas oo ku beegan markii maamulka terminalka konteenarada lagu wareejiyay shirkad cusub oo lagu magacaabo Shirkadda SGTD.

“Go’aankan waxa uu dib ugu soo celinayaa dowladda Jabuuti xuquuqdeedii sharciga ahayd, wuxuuna ka hortegya istiraatijiyadda lagu doonayo in Jabuuti wax loogu dhimo iyada oo la adeegsanyo maxkamado iyo warbaahin kala duwan” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Jabuuti.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in Jabuuti ay mar kale ku celinayso mawqifkeedi ahaa in heshiis toos ah oo dhex mara labada dhinac lagu dhamayn karo khilaafaadka soo socday muddada dheer, iyada oo la ilaalinayo madax-bannaanida Jabuuti iyo danaha wadajirka ah ganacsiga gobolka

Dekedda Doraleh waxaa la furay sanadkii 2009-kii, iyada oo qaadi kartaa 1.6 milyan oo tan sanadkii, waxaana lagu tiraya isha uu dakhliga ugu badan kasoo galo Jabuuti.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo Wasiirada Arrimaha dibadda ee laba dal ay ku kulmeen magaalada Abu Dhabi laba maalin ka hor, iyaga oo kawada hadlay xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah.

Kulanka waxaa sidoo kale looga hadlay arrimaha ka taagan guud ahaan gobolka iyo caalamka , gaar ahaan duullaanka Israel ee marinka Gaza, iyada oo sidoo kale dib u eegis lagu sameeyay colaadda ka jirta dalka Suudaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here