Thursday, September 19, 2024

Falcelinta madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaraxii Liido

Muqdisho (Dawan)- Madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa si isku mid ah u cambaareeyay weerarkii xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof kuna dhaawacmeen dad intaas kasii badan.

Weli waxaa socda baadigoobka loogu jiro dad la la’yahay iyo tira koobka qasaarihii guud eee ka dhashay weerarkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ku qaadeen xeebta Liido waxa uu muujinayaa arxan darrada Khawaarijta iyo yoolkooda oo ah in ay meel kasta ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda waxaa ka go’an in ay ka ciribtirto guud ahaan dalka kooxdan dhiigyacabka ah.

“Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa: Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo: Baaxadda dhibta gaartay dadkeenna caawa waxaa waajib ah in aan gacmaha isqabsanno oo ugurmanno dhaawacyada iyo ehelada shuhadada, iyada oo gacan la siinayo laamaha caafimaadka iyo amniga.

Shariif Sheekh Axmed: In ay argagaxisadu weerarkan ku soo beegaan caawa oo kale oo Jimco ah ay xeebtu ugu saxmad badan tahay waxay muujinaysaa cadawtooyada ay argagaxisadu u qabaan dadka Soomaaliyeed.

Xasan Cali Khayre: In ay argagaxisadu weerarkan ku soo beegaan caawa oo kale oo ay xeebtu ugu saxmad badan tahay waxay muujinaysaa cadawtooyada ay argagaxisadu u qabaan dadka Soomaaliyeed. Waxaan ciidamada qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay muujiyaan feejignaan, iskaashi, iyo dadaal dheeri ah, si looga hortago in ay soo noqdaan weerarradan bahalnimada ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Toddobaadkii hore argagexisada boqol ka badan ayaa looga dilay furinta dagaalka ee Jubbaland, iyaguna xalay ayey ka aarguteen shacabkii xeebta Liido u soo neecawsi tegey.

Taabid Cabdi: Argagixisada arxanka daran waxaa looga adkaan karaa feejignaan, isku duubni iyo isla-xisaabtan dhab ah si dayaca amni mas’uuliyad u yeesho.

Siciid Deni: Weerarka arxandarada ah ee caawa ka dhacay Muqdisho oo lala beegsaday dad aan waxba galabsan, waxay muujinaysaa sida Argagixisadu u gumaadayso dadkeenna, Allaah waxaan uga baryaynaa intii geeriyootay in uu janadi geeyo inta dhaawacana uu u boogga dhayo.

Axmed Maxamed Islaam: Dhammaaan shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay safka dagaalka la galaan wiilashooda u taagan sidii loo cirib tiri lahaa khawaariijta magaca diineed dadkeenna dhiigiisa ku banaysanaya oo aanay jirin cid ay dhaafayaan.

Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe): Qalbiyadeenna aad ayuu u gilgilay weerarkii bahalnimo ay argagixisada ka geesatay Liido. Rabbi ha Janneeyo intii ku dhimatay, inta dhaawaca ah Allaha bogsiiyo.

Nawaaxiga Xeebta Liido ayaa caan ku ah Hoteelo iyo Maqaayado waaweyn oo inta badan loo nasiino tago xilliyada fasaxa iyo habeenadi, waxaana horay uga dhacay weeraro sidaan oo kale ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here