Thursday, September 19, 2024

Sirdoonka Itoobiya oo gacanta kusoo dhigay koox lagu eedeeyay afduub

Addis Ababa (Dawan)- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa shaacisay in gacanta lagu soo dhigay toddobo qof oo lala xiriirinayo afduubkii loogu gaystay magaalada Addis Ababa nin ganacsada ah.

Ninka la afduubatay oo lagu magacaabo Engidaw Wudu ayaa ka mid ahaa dadka dhoofiya Bunka, waxaana laga afduubtay hoygiisa oo ku yaal deegaanka Bole Bulbula 93 Mazoriya, iyada oo loo kaxaystay magaalada Awash Melaksa ee gobolka Oromia.

Sida laga soo xigtay Warbaahinta Itoobiya, Afduubayaasha ayaa markii hore dalbaday lacag madaxfurasho ah oo dhan 100 milyan oo lacagta dalkaas ah balse wadaxaajood dheer kadib waxay qoyskiisa kula heshiiyeen 20 milyan oo Birr, taas oo la bixiyay.

Sirdoonka dalkaas oo kaashanaya laamaha amniga ee kale ayaa hawlgal wadajir ah oo ay sameeyeen ku soo qab-qabtay Eedaysanayaashan oo ku sugnaa magaalada Adama.

Laamaha amniga ayaa sidoo kale soo bandhigay hub kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha daran dooriga u dhaca iyo lacag aad u badan oo isugu jirta lacgta Itoobiya iyo Doollarka Mareykanka.

Engidaw Wudu ayaa dib ula midoobay qoyskiisa isaga oo nabad qaba, waxaana hadda socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan laamaha amniga si loo ogaado inay jiraan dad kale oo ku lug leh afduubka ganacasadaha.

Horaantii biishii July ee lasoo dhaafay, kooxo hubeysan oo aan haybtooda la aqoonin ayaa afduubtay ku dhawaad 100 arday, iyada oo aan laga warhaynin halka ay ku dambeeyeen ilaa iyo hadda.

Afduubka ardayda ayaa dhacay xilli ay kusii jeediin caasimadda Addis Ababa iyaga oo kasoo baxay gobolka Amxaarada, waxeynta intooda badan wax ka baratan Jaamacadda Debark.

Dalka Itoobiya waxaa kusoo batay waayihii ugu dambeeyay afduubka lagula kaco dadwayanaha, iyada oo ujeedadu tahay in laga qaato madaxfurasho, waxaana ku adkaatay laamaha amniga in ay wax ka qataan arrintaan soo noqnoqotay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here