Thursday, September 19, 2024

Masar oo ku celisay in midnimada Soomaaliya tahay lama taabtaan

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, . Badr Cabdicaadi ayaa markale ku celiyay mowqifka adag ee dalkiisu ka taagan yahay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la ilaaliyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya wuxuuna si cad u sheegay in Masar ay diiddan tahay is-afgaradkii dhanka badda ahaa ee horaantii sanadkan dhex maray Itoobiya iyo Somaliland

Hadalkan ayuu sheegay Wasiirku xilli uu shir jaraa’id la a qaatay dhiggiisa Turkiga Hakan Fidan, oo Itoobiya booqasho ku tegay laba maalin ka hor.

Wasiirka ayaa yiri: “Masar waxay si adag u diiddan tahay isku day kasta oo lagu waxyeeleynayo midnimada iyo amniga gayiga Soomaaliyeed, waxaana mar kale ku celineynaa muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay hadalka Masar, ee lagu taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya sidoo kalena looga soo horjeedo heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee badda.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis ay Itoobiya ku gaareyso badda, Somaliland-na ku heleyso aqoonsi iyo saami shikradda diraadaha Ethiopian Airlines 1-dii bishii January 2024.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hortimid heshiiskaas, waxa uuna dhaliyay xiisad diblomaaasiyeed oo labada dal ka dhex qaraxday, taas oo gaartay in safaaradaha la kala qaato.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Dowladaha Geeska Afrika ayaa la macaamila Somaliland inkasta oo aysan si rasmi ah ugu dhawaaqin in ay u aqoonsanyihiin dowlad ka madax bannaan Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here