Thursday, September 19, 2024

Itoobiya: Arday la afduubtay oo madaxfurasho lagu sii daayay

Addis Ababa (Dawan)- 16 ka mid ah 167 arday oo laga afduubtay bishii hore meel u dhow magaalada Garba Guracha ee Woqooyiga Shoa ee gobolka Oromia ayaa dib u helay xorriyadooda kadib markii qoysaskoodu ay bixiyeen lacag madax furasho ah.

Ardaydan ayaa la afduubtay xilli ay kasoo baxeen Jaamacadda Debark ee gobolka Amxaarada, iyaga oo kusii jeeday magaalada Addis Ababa.

Warbaahinta gudaha Itoobiya ayaa sheegtay in ardayda lasii daayay ay ku jiraan sagaal gabdhood, iyada oo laga qaatay lacago madaxfurasho ah oo u dhaxaysa 100,000 ilaa 500,000 oo lacagta dalkaas ah.

Markii la sii daayay ardaydu, waxay ku qaadatay inay lug ku tagaan magaalada Tulu Milki ee gobolka Oromada oo aad uga fog halkii ay ku afduubnaayeen, waxaana gurmad kala hortegay ciidamada ammaanka ee ku sugan deegaankaas iyo qoysaskooda.

Qaar ka mid ah Ardayda ayaa ka sheekeeyay wixii ay la kulmeen intii ay ku jireen gacanta kooxdii afduubatay, iyaga oo sheegay inay la kulmeen xaalado adag oo isagu jira cunno yari iyo in si xun loola dhaqmay. Waxaa kale oo ay xuseen inay arkeen laba nin oo la dilay kadib markii ay sheegeen inaysan haysan lacag ay isku madaxfurtaan.

Dhawaan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa shaacisay in gacanta lagu soo dhigay toddobo qof oo lala xiriirinayo afduubkii loogu gaystay magaalada Addis Ababa nin ganacsada ah.

Dalka Itoobiya waxaa kusoo batay waayihii ugu dambeeyay afduubka lagula kaco dadwayanaha, iyada oo ujeedadu tahay in laga qaato madaxfurasho, waxaana ku adkaatay laamaha amniga in ay wax ka qataan arrintaan soo noqnoqotay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here