Muqdisho (Dawan)- Cabashada ay qabaan dadka ku nool magaalada Muqdisho waa mid ballaaran marka laga hadlayo maqaamka magaalada iyo metelaad la’aanta haysata dadkeeda tan iyo markii dalku qaatay nidaamka ku dhisan habka federaalka.
Dhwor waxaa soo noqnoqday baaqyada dadka Muqdisho ee ku saabsan in magaalada loo sameeyo maamul ay dadkeeda usoo doortaan qaab xor ah, iyada oo laga gudbayo in lasoo magacaabo mas’uuliyiinta caasimadda ee kala duwan.
Xeerka Doorashooyinka ee kasoo baxay xukuumadda waxa uu qeexaya hannaanka loo marayo doorashooyinka Muqdisho, iyada oo degmooyinkeeda loo qaybiyay laba nuuc.
Qodobka 22-aad ee xeerka doorashooyinka waxa uu tilmaamaya in Magaala-madaxda Muqdisho ay yeelanayso golaha Caasimadda Muqdisho oo ka koobnaan doona 49 xubnood iyo Duqa Caasimadda Muqdisho iyo ku-xigeenkiisa oo si toos ah ay usoo dooran doonaan cod-bixiyeyaalka ka diiwaangashan magaalada Muqdisho.
Degmo kasta oo ka tirsan magaalo madaxda Muqdishu waxay yeelan doonto gole degaan, iyada oo Duqa degmada iyo kuxigeenkiisa loo soo dooran doono si toos ah oo ku dhisan qof-iyo cod ay codeyn doonaan dadka ka diiwaangashan degmada.
Degmooyinka Caasimadda Muqdisho waxay yeelanayaan laba darajo oo kala ah: (A) iyo (B)
iyadoo tirada golaha degaanka ee degmooyinka darajadoodu tahay (A) noqonayso 15 xubnood, halka tirada golaha degaanka ee degmooyinka darajadoodu tahay (B) noqonayso 11 xubnood.
Hannaankan lasoo bandhigay malagu gaari doona maqaamkii Muqdisho?