Thursday, September 19, 2024

Siyaasaddu waa dood, Masjidkuna waa goob cibaado

Muqdisho (Dawan)- Siyaasaddu waa dood, Masjidkuna waa goob cibaado. Waxaa qoray Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Madaxweynaha haddii uu dood qabo ama uu ka jawabaayo mid loo qabo waa in uu yimaado goob uu siyaasigu kula doodi karo, dhalinyaradu su’aalo ku waydiin karaan ee ma aha in uu maalin walba Masaajidka kaligii ka soo garnaqsado.

Siyaasadu waa dood, su’aalo, dabagal iyo jawaab celin, Masjidkuna waa goob cibaado oo wanaaga la iska faro, xumaanta la iskaga reebo, midnimada iyo wadajirka ummada laga dhiirageliyo.

Tan kale, waxay ahayd Madaxweynuhu in uu ka haldo xasuuqii xeebta Liido, masuuliyaddii la gabay iyo go’aannadii laga qaatay iyo kaalinta bulshada kaga aadan.

Waan ka xaalmarinayaa dhalinyarada sida jees jeeska ah ee uu Madaxweynuhu uga jawaabay dareenka ay kaga cawdeen baagamuudada iyo busaaradda shaqo la’aanta. Waxaad xaq ugu leedihiin Madaxweynaha in uu runta idinkaga sheego si tawaaduc leh sababaha keenay shiidka iyo shaqo la’aanta ba’an ee dalka ka jirta, waxa uu ka qabanayo, isagoo idiin bidhaaminaya hiigsi iyo yididiiladii looga baxo.

Ma ahayn in uu dafiro in aad intiina badan shaqo la’aan tihiin, waxay ahayd in uu wax ka qabto fursadaha shaqo ee tirada yar ee Dowladdu bixiso ee lagu helayo garab eexeedka iyo musuqa.

Waxay ahayd in uusan isdiidsiinin hoos u dhac ku yimid ganacsigii dalka, gaar ahaan dhulka, ka dib markii ay madaxda xukuumada qiimo jaban ku xaraashayso dhulkii dawlada, in uusan inkirin in canshuurta xaddhaaf ah iyo adeega khidmo ee la isku naasnuujinayo ay irdaha u xireen ganacsigii yaryaraa, karti la’aan, musuqa iyo dhacdhac ka raadintana ay hakadeen mashaariicdii ka imaanaysay deeqbixiyayaasha caalamiga ah, lacagihii laga dhacay dawladana lagu maalgashaday dalka dibadiisa.

Rasumaalka ugu muhiimsan ee uu hoggaamiye heli karo waa in shacabkiisu aamino, dalna hadal iyo muran laguma hoggaamiyo, ee ficil iyo habdhaqan ayaa tusaale loogu noqdaa.

Sida muuqata, Madaxweynaha waaqaca xiriir lama laha, isaga iyo bulshaduna way kala bariyeen, dadka ka agdhow ee ay ahayd in ay runta u sheegaana, malaha way kula dhici waayeen, ama dantooday ka muraadsadeen.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here