Friday, September 20, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ku eedeyay Turkiga inuu faragelin ku sameeyay qaranimada Somaliland, xilli uu maanta dadweynaha kula hadlayay magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Biixi ayaa ku tilmaamay qorshaha uu Turkigu damacsanyaahay inuu ku heshiisiiyo Soomaaliya iyo Itoobiya mid aan suurtagal ahayn oo aan u cunatamin madaxda iyo shacabka Somaliland.

Hadalka Biixi ayaa imaanya laba maalin kadib markii Wasiirka arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan uu soo bandhigay qorshaha lagu soo afjarayo xiisadda labada dal kaas oo ah in Itoobiya ay hesho marin badeed iyada oo loo marayo Soomaaliya, halka Itoobiya ay beddelkeeda si aan shaki lahayn u qaddarin doonto midnimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

Jowhar

Dab xooggan ayaa subaxnimadii maanta ka kacay suuqa weyn ee magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe, wuxuuna baabi’yay qaybo ka mid ah suuqa sida ay sheegeen qaar ka mid ah dad goobjoogayaal ah.

Howalaha gurmadka iyo dabdaminta ayaa qaatay waqti dheer sababo la xiriira gawaarida dabdamiska oo aad u yar.

Dabka ka kaca suuqa wayn ee Jowhar ayaa soo noqnoqday, waxaana la xasuustaa in sidaan oo kale uu dab qabsaday Suuqa kaas oo gaystay khasaara baaxad leh oo asyan kasoo kabanin ganacsatada magaalada ilaa iyo hadda.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa amaray hay’adaha ammaanka inay sameeyaan baaris deg deg ah oo la xiriirta waxa dhaliyay dabka.

DDS

Xukuumadda Deegaanka Soomaalida oo ka jawaabaysa dhibaatooyinka shacabka kasoo gaaray fatahaadaha wabiga ayaa gaarsiisay degmooyinka Mustaxiil iyo Qallaafe caawimaad isagu jirta raashin iyo agabka guryaha.

Roobab mahiigaan ah oo ka da’aya qeybo kamid ah Dowlad Deegaanada ayaa sababay in wabiga Shabeele uu sameeyo biyo bax sababi kara khatar nafeed iyo mid hantiyeed, waxaana dadwaynaha ku nool Qallaafe, Feer-feer iyo Mustaxaiil lagu wargeliyay inay sameeyaan feejignaan dheeri ah kana fogaadaan Wabiga iyo goobaha ay biyuhu isagu yimaadaan.

Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa markii ugu horeysay muddo labo bilood ah u safray dibadda kadib bannaanbaxyadii looga soo horjeeday sharcigii canshuuraha ee sababay inuu kala diro golihiisa wasiirada soona magacaabo xukuumad cusub.

Ruto ayaa ka dhoofay magaalada Nairobi maanta oo Axad ah, si uu uga qeyb galo munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ee ka dhaceysa magaalada Kigali.

 Hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee Rwandan Patriotic Front, Paul Kagame, ayaa helay in ka badan 99% codadkii la dhiibtay, isagoo ka guuleystay labo murashax oo la tartameysay doorashadii dalkaas ka dhacday 15-kii July.

Japan

Japan ayaa ku jirta feejignaan sare iyadoo wakaalada cimiladu ay ka digtay dhul gariir aad u weyn. Dalka waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ku dhuftay dhulgariir cabbirkiisu ahaa 7.1 iyo 6.8.

Nigeria

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerar ay koox hubeysan ku qaaday tuulo ku taal gobolka Benue, ee koonfur galbeed Nigeria.

Mas’uul u hadlay dowladda waxa uu sheegay in 30 ruux lagu dilay weerarka halka ay warbaahinta dalkaas soo tebisay in la dilay dad gaaraya ilaa 50 qof.

Gobolka Benue, waxaa ka dhaca inta badan weerarada nuucaan ah, waxaana ugu dambeeyay weerar lagu soo qaaday bishii hore laguna dilay 25 qof.

Suudaan

Madaxa ergada wada xaajoodka u qaabilsan dowladda Suudaan ee ku sugan magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay, in la soo gabagabeeyay kulamadii wadatashiga ahaa ee ay la lahaayeen mas’uuliyiin ka socday Mareykanka, iyadoo aan laga gaarin wax natiijo ah oo ku saabsan ka qeyb galka wada-xaajoodyada nabadeed ee ka dhacaya dalka Switzerland.

23-kii July, Mareykanka ayaa ugu yeeray dhinacayda ku dagaalamaya Suudaan inay kasoo qaybgalaan kulan wadaxaajood ah oo ka dhacaya Switzerland 14-ka August, si looga hadlo heshiiska xabbad joojinta iyo gurmadka loo fidinayo dadka barakacay ee ku dhibaataysan gudaha iyo dibadda dalka

Tan iyo bartamihii bishii April 2023, ciidamada dowladda iyo xoogaga kasoo horjeeda ee RSF ayaa ku dagaalamay qaybo badan oo ka mid ah dalka Suudaan, waaana ku nafwaayay colaaddaas dad lagu qiyaasay ilaa 18,800 oo qof, ku dhawaad ​​10 milyan oo qofna way ku barakaceen, ​​sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Iran

Madaxweynaha Iran, Mascuud Pezeshkian, ayaa liiska golihiisa wasiiarda horgeey baarlamaanka dalkas Ku dhawaad ​​laba toddobaad kadib markii loo dhaariyay xilka Madaxweynaha

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 310-aad, waxaana ku dhintay in ka badan 39,790 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 92 kun Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 620 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here