Friday, September 20, 2024

M/W Xasan oo ka qaybgalaya caleema saarka Paul Kagame

Kigali (Dawan)- Madaxweynaha Soomalaiya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kigali ee dalka Rwanda, halkaasoo lagu wado inuu kaga qeyb galo xafladda caleema saarka madaxweynaha dalkaas, Paul Kagame.

Madaxweyne Xasan waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka caalamiga ah ee Kigali wasiirka cadaladda Rwanda iyo safiirka Soomaliya u fadhiya dalkaas Sahra Cali Xasan.

Xasan ayaa ku biiray madax kale oo ka socota wadamada Afrika iyo wakiilada ururaada caalamiga ah kuwaas oo ka qeyb galaya caleema saarka Madaxweyne Kagame si uu markiisii ​​Afaraad usii qabto xafiiska ugu sarreya dalkaas.

M/W Xasan oo lagu soo dhaweeyay Kigali

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa maanta oo Axad ah loo dhaarinayaa xilka shan sano oo kale ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii bishii hore ka dhacday dalkaas isagoo helay in ka badan 99 % codadkii la dhiibtay.

Munaasabadda dhaarinta ayaa lagu qabanaya garoonka Amahoro Stadium iyada oo ay ka soo qeyb galayaan dadweyne kor u dhaafaya 40,000 oo qof iyo madaxda dalal ka badan 23 kuwaas oo ka socda qaarada Afrika.

Xafladda caleema saarka ayaa lagu soo bandhigaya dhoolatus ciidan iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee Rwanda.

Tani waa markii afaraad ee Kagame loo doorto madaxweynha dalkaas tan iyo sannadkii 2000 balse waxa uu xukunka dalkaas soo hayay laga soo billaabo 1994 markii Jabhadda Waddaniga ah ee Rwanda ay talada ka tuurtay xukuumaddii Hutu ee ka dambeysay xasuuqii lagu dilay 800,000 oo qof, kuwaas oo intooda badan ka soo jeeday qowmiyadda Tutsi-ga.

Kagame ayaa helay sumcad ballaaran kadib markii uu ku guuleystay dib u soo nooleynta Rwanda kadib xasuuqii 1994-kii, balse waxaa jira eedeymo loo jeediyay oo la xiriira caburinta mucaaradka iyo faragelinta colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here