Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Soomaaliya / Itoobiya

Wadahadalladii Ankara uga socday Somaaliya iyo Itoobiya ayaa markale ku dhamaaday natiijo la’aan kadib markii labada dhinac ay isku fahmi waayeen arrimaha taagan. Soomaaliya waxey ku adkesanysaa in Itoobiya ay ka noqoto is-afgaradkii ay la gashay Somaliland halka Itoobiya ay dooneyso in loo damaanad qaado inay hesho bad.

Labada wafdi ayaa la filaya inay wareeg seddexaad isagu soo laabtaan Ankara markale, sida laga soo xogtay diblomaasiyiin Turki ah.

Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay in 35 qof oo isagu jira Ajaanib iyo Soomaali laga helay cudurka HIV kuwaas oo qaarkood laga musaafuriyay dalka.

Burco

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaaran oo la socday ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Biixi oo dadwaynaha magaalada la hadlay ayaa dib u xasuusiyay taariikhda iyo halgankii ay dadka Burco usoo galeen Somaliland

Kenya

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa wasiiradiisa cusub kula dardaarmay in ay mudnaanta koowaad siiyaan u adeegidda shacabka, kadib markii ay si buuxda ula wareegeen mas’uuliyadahooda.

Ruto ayaa faray wasiirada in ay xoogga saaraan dhaqangelinta barnaamijyada horumarineed iyo xeerarka lagu wanaajinayo nolosha muwaadiniinta Kenya.

Suudaan

Mas’uuliyiinta gobolka El Gedaref ee dalka Sudan ayaa ku dhawaaqay inay heshiis la galeen hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, kaasoo dhigaya in saddex xero laga sameeyo deegaanka Galabat, si ay u qaabilaan qaxootiga Suudaan ee ka soo laabanaya Itoobiya.

Boqolaal qaxooti ah oo ku sugnaa gobolka Amxaarada ee Itoobiya ayaa dib ugu laabtay dalkooda kadib marki ay la kulmeen arrimo la xiriira amni darro, iyada oo qaarkood loo gaystay dil, dhac iyo kufsi.

UNHCR waxay sheegtay in ilaa 800 oo qaxooti ah ay ku wajahan yihiin xudduudda labada dal, waxeyna walaac ka muujisay dadka dib ugu laabanaya Suudaan oo aan nabad ahayn.

Tanzania

Siyaasiyiin sarsare oo ka tirsan xisbiga ugu weyn mucaaradka Tanzania iyo boqollaal taageerayaashooda ah ayaa la sii daayay maanta oo Talaadado ah ka dib markii ay dhowr maalin ku jireen xabsi.

Boliiska ayaa ku eedeeyay dadka la xiray inay yeesheen kulan aan loosoo marin hannaanka sharciga ee kulamda xisbiyada siyaasadda.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa dhaleeceeyay xarigaas waxeyna ku tilmaameen tillaabo ka baxsan dimuquraadiyadda iyo dadaallada ay xukuumadu ku cabsi gelinayso mucaaradka, si ay uga hor istaagato doorashooyinka dowladaha hoose ee dabayaaqada sanadkan iyo doorashada dalka ee 2025-ka.

Uganda

Ugu yaraan 24 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dhul go’ ka dhashay goobta qashin qubka ee Kiteezi oo ku taal caasimadda Uganda ee Kampala, taas oo ah goobta kaliya ee qashinka lagu daadiyo magaalada

Labadii maalin ee lasoo dhaafay, waxaa ka da’ayay qaar ka mid ah magaalooyinka Uganda roobab mahiigaan ah, waxaana weli dadaal loogu jiraa baadi goobka dad la aaminsayahay inay ku hoos jiraan qashinka ku dumaay guryahooda, iyaga oo jiifa.

Falastiin/ Ruushka

Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas, ayaa maanta oo Talaada ah, kala hadlay dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, xaaladihii ugu dambeeyay ee dhulka Falastiin iyo duulaanka Isarel ee Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed.

Wadahadalka labada madaxweyne ayaa yimid kadib markii uu Maxamuud Cabbaas booqasho ku tegay caasimadda Ruushka ee Moscow.

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 312-aad, waxaana ku dhintay in ka badan 39,897 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 92 kun Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 624 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023

UN

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeelan doona weerarki ay Isarel la beegsatay xarun School ah oo ay ku sugnaayeen dad qaxooti ah. Weerarkaas waxaa ku dhintay ugu yaraan 100 maalintii sabtida ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale Golaha ayaa yeelan doona fadhi aan rasmi ahayn kadib codsi ka yimid Ruushka oo looga hadlayo weerar ay Ukraine ku qaaday gobolka Kursk, kaasoo ah kii ugu horeeyay ee ay Kyiv si rasmi ah u qirto.

Warbixino dheeraad ah

Maxay Africa kala soo laabatay Olympic-da Paris?

Dagaal beeleedyada oo sababay barakaca ku dhawaad 150,000 oo qof

Xiisadda Ethiopia iyo Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Qaahira ku Wajahan

kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo walaaca ku lamaanan



Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here