Thursday, September 19, 2024

Maxay Somaliland ka tiri wadahadallada Muqdisho iyo Addis Ababa ?

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegtay inay si hoose ula socotay wadahadalladii Ankara uga socday dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsanaa sidii xal looga gaari lahaa xiisadda ka dhalatay is-afgaradkii badda ee dhex maray Itooobiya iyo Somaliland horaantii sannadkan.

“Waxaan si dhow ula soconnay wada-hadallada ka socday Turkiga oo ah dadaallo dhexdhexaadin ah oo u dhexeeya Maamulka Muqdisho iyo Itoobiya oo billowday Isniintii Agoosto 12. Waxaa cad in wadahadallada aysan keenin natiijooyinkii uu rabay Turkiga” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in Somaliland ay ka go’antahay hirgelinta heshiiska isfaham ee ay wadagaleen Itoobiya, waxeyna Turkiga ku eedeysay inuusan dhexdhexaad ka ahayn siyaasadda gobolka

War-saxaafadeedka wasaaradda waxaa lagu sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay inay gasho heshiisyo caalamiya, iyada oo loogu baaqay Turkiga iyo dowladaha kale in aysan soo faragelin arrimaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan ku eedeyay Turkiga inuu faragelin ku sameeyay qaranimada Somaliland, xilli uu booqasho ku marayay magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Biixi ayaa ku tilmaamay qorshaha uu Turkigu damacsanyaahay inuu ku heshiisiiyo Somaaliya iyo Itoobiya mid aan suurtagal ahayn oo ay kasoo horjeedaan madaxda iyo shacabka Somaliland.

“Somaliland baa Xamar looga talinaya, waa qorraxdii oo galbeed kasoo baxday, mana suurtoobeyso:” ayuu yiri, Madaxweyne Muuse.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis ay Itoobiya ku gaareyso badda, Somaliland-na ku heleyso aqoonsi iyo saami shikradda diraadaha Ethiopian Airlines 1-dii bishii January 2024.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hortimid heshiiskaas, waxa uuna dhaliyay xiisad diblomaaasiyeed oo labada dal ka dhex qaraxday, taas oo gaartay in safaaradaha la kala qaato.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here