Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Soomaaliya / Masar

Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi ayaa maanta ku qaabilaya Qasriga Al-Itixaadiya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ka wada hadli doona xoojinta iskaashiga labada dal iyo xaaladaha gobolka, sida aan kasoo xiganay Madaxtooyada Masar

Labada dal ayaa la filaya inay kala saxiixdaan heshiis dhanka difaaca ah

Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay inay Turkiga ku adkaan doonto xallinta khilaafka ka dhex taagan Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo ku saabsan sidii Addis Ababa ku gaari leheed marin biyood badeed

Arrintan ayuu ku sababeeyay in labada dowladood ay aad u kala fogyihiin mabda’ ahaan, wuxuuna shaaca ka qaaday in dalkiisu uu si hoose usoo jeediyay qorsha dhexdhexaad ah oo xal u noqon kara khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya

Somaliland

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa markale ku celisay sida ay uga go’antahay hirgelinta heshiiska isfaham ee ay wadagaleen Itoobiya, waxeyna Turkiga ku eedeysay inuusan dhexdhexaad ka ahayn siyaasadda gobolka.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in Somaliland ay xaq u leedahay inay gasho heshiisyo caalamiya, waxeyna ugu baaqday Turkiga iyo dowladaha kale in aysan soo faragelin arrimaha Somaliland.

Mareykanka

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada ee Mareykanka, ayaa guul ka gaartay doorashda hordhaca ah ee Minnesota.

Ilhan ( 41 jir) ayaa difaacatay kursigeedii degmada 5-aad ee Minneapolis kadib markii ay heshay codad gaaraya 56.2 % iyada oo ka adkaatay Don Samuels oo hore uga tirsanaa golaha deegaanka Minneapolis.

Suudaan

Madaxa Golaha hoggaamiya dalka Suudaan, Cabdifataax Al-Burhaan ayaa sheegay inaysan jirin wax xabbad joojin ah inta laga saarayo ciidamada kasoo horjeedda ee RSF, magaalaayiinka ay horay u qabsadeen.

Hadalka Al-Burhaan ayaa kusoo beegmay saacado ka hor xilliga lagu ballamay wadahadallada nabadeed ee Mareykanku taageerayo ee la filayo inay ka dhacaan magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Zimbabwe

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka SADC ayaa shir uga billowday magaalada Harare ee xarunta dalka Zimbabwe.

Wasiirada ayaa la filayaa inay war murtiyeed soo saaraan marka uu soo dhamaado shirkooda oo ku saabsan horumarinta iyo iskaashiga wadamada dhaca Koonfurta qaaradda Afrika.

Pakistan

Pakistan waxay u dabaaldageysaa sannad guuradii 78-aad ee kasoo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen maanta oo kale gumeystihii Ingiriiska sannadkii 1947.

Guud ahaan dalka waxaa ka socda munaasabado lagu wayneynayo maalinta xorniada, waxaana shacabka la hadli doona mas’uuliyiinta kala duwan ee dalka.

Afghanistan

Kooxda Daalibaan ayaa maanta u dabaaldegtay sanadguuradii saddexaad ee ka soo wareegatay markii ay dib ula wareegeen talada dalka Afghanistan, iyadoo munaasabadda dabaaldegga lagu qabtay xaruntii hore ee ciidamada cirka oo qiyaastii 40 KM u jirta caasimadda Kabul.

Daaliban ayaa cududdeeda kusoo bandhigtay dhoolatus ciidan, iyadoo mas’uuliyiinta sarsare ay diyaarad Helicopter ah ku tageen munaasabadda.

Xaladda waxaa goob joog ka ahaa diblomaasiyiin ka socday dalalka Iran iyo Shiinaha

Japan

Ra’iisul wasaaraha Japan, Fumio Kishida ayaa ku dhawaaqay inuu ka haray doorashada ku celiska ah ee bisha soo socota ee madaxa xisbiga talada haya ee Liberal Democratic Party, wuxuuna soo afjaray in ka yar saddex sano uu soo hogaaminay dalka.

Kishida ayaa noqday ra’iisul wasaarihii 8-aad ee ugu waqtiga dheeraa Japan tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

Falastiin/ Turkiga

Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas, ayaa la filaya inuu booqasho ku tago dalka Turkiga, isaga oo la kulmi doona dhigiisa dalkaas Rajab Dayib Erdogan.

Maxamuud Cabbaas oo maalmii lasoo dhaafay booqasho ku joogay Ruushka ayaa khudabad ka jeedin doona Baarlamaanka Turkiga, sida qorshuhu yahay

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 313-aad, waxaana ku dhintay in ka badan 39,929 oo qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 92,2404 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 624 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023

Ciyaaraha

Kooxaha Real Madrid iyo Atlanta ee kala metelaya Spain iyo Talyaaniga ayaa caawa isaga hor imaan doona koobka Super Cup ee UEFA

Kooxda Atalanta ayaa 3-0 ku garaacday kooxda Bayer Leverkusen ee Germany finaalkii koobka UEFA Europa League, iyada oo hanatay koobkeedi ugu horeeyay ee tartamada qaarada Yurub.

Real Madrid waxay ku guuleysatay koobkeedii 15-aad ee UEFA Champions League ka dib markii ay 2-0 ku garaacday kooxda Jarmalka ee Borussia Dortmund finalkii dhacay bishii June ee lasoo dhaafay.

Tababaraha rug-cadaaga ah ee Real Madrid, Carlo Ancelotti ayaa laga yaabaa inuu noqdo tababaraha kaliya ee qaaday shan koob oo Super Cup-ka ah haddii uu caawa qaado koobka Super Cup.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here