Thursday, September 19, 2024

Muxuu la egyahay ganacsiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar?

Qaahira (Dawan)- Magaalada Qaahira ee caasimadda Masar, waxaa booqasho ku tegay dhawaan wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxeyna labada dal qalinka ku duugeen heshiis dhanka difaaca ah.

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa heshiiskaan horay u meel mariyay balse nuxurkiisa lalama wadaagin warbaahinta.

Madaxweyne Al-Sisi ayaa caddeeyay markale mowqifka Masar ee taageerada midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo sidoo kale diiday tillaabo kasta oo lagu faragelinayo arrimaha gudaha Soomaaliya

Labada Madaxweyne ayaa soo dhoweeyay qorshaha labada dhinac ee lagu xoojinayo iskaashiga laba geesoodka ah iyo furitaanka safaaradda Masar ee Muqdisho.

Dowladda Masar ayaa qorsheynaysa inay Soomaaliya ka furto faraca Bangiga Masar, waxeyna noqon doonta dowladda labaad ee Bangi ka furata dalka kadib Turkiga.

Soomaaliya iyo Masar waxay wadaagaan xiriir soo jireen ah, waxeyna iska kaashaadan dhinacya badan oo ay ugu miihimsanyihiin waxbarashada iyo ganacsiga

Is dhaafsiga ganacsiga labada dal

Marka laga soo tago heshiiska cusub ee dhanka difaaca iyo waxbarashada oo ay Masar si xoogan uga taageerto Soomaaliya, waxaa jira is dhaafsi u dhexeeya labada dal oo ah dhanka ganacsiga, waxeyna dowladda Masar sheegaty in uu sameeyay kor u kac xoogan qaybta hore ee sannadkan lagu jiro.

Badeecadaha Masar ay u dhoofiso Soomaaliya ayaa lagu qiyaasay qaybta hore ee sanadkan 2024-ka inay gaartay $57 milyan, halka isla sannadki hore ahayd $31 milyan, taas oo ah koror dhan 83%.

Badeecadaha ay Soomaaliya u dhoofiso Masar ayaa lagu qiyaasay sannadkana lacag dhan $2 milyan, taas oo ka badan marka la barrbar dhigo sannadki hore oo ahayd $300,000.

Maxay Soomaaliya u dhoofisa Masar?

1- Xoolaha nool oo qiimahooda lagu qiyaasay lacag dhan $1.8 milyan.
2-Xabagta dhirta laga soo saaro oo qiimaheedu tahay $280,000.
3- Nuucya ka mid ah cuntada iyo qudaarta oo qiimahooda lagu qiyaasay $16,000

Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqday bishoo hore in dalkeeda uu soo gaaray markabkii ugu horeyay ee ka yimaada Soomaaliya kaas oo ay saaranyihiin 1,500 oo neef oo la doonayo in qaab ganacsi ah loogu iibiyo suuqyada hilibka ee dalkaas.

Mas’uuliyiinta Masar ayaa tillaabadaan ku tilmaamay mid kor u qaadeysa iskaashiga ganacsi ee labada dal iyo qorshaha ay xukuumadda Masar ku dooneyso inay ku yareyso dhibaatada ka haysata dhanka sicirka hilibka iyo xoolaha nool.

Maxay Masar u dhoofisa Soomaaliya?

1- Nuucyada miraha kala duwan iyo badeecooyin kale oo lagu qiimeeyay $29 milyan.
2- Sonkorta oo qiimaheedu dhan yahay $10 milyan.
3- Dawooyinka oo lagu qiyaasay lacag dhan 3 milyan oo doolar.
4- Cusbada iyo shameentada oo lagu qiimeeyay $2 Milyan.

Kaalinta qurba-joogta ee ganacsiga labada dal

Lacagta ay muwaadiniinta Masar ee ku nool Soomaaliya ay u direen dalkooda sannadkii 2022-2023 ayaa lagu qiyaasay lacag dhan $299,000, sannadkii kaasoo horeeyayna waxay ahayd lacag dhan $328,000.

Qurba-joohta Soomaalida ee ku nool dalka Masar ayaa sannadkii 2023-2023 usoo diray dalkooda lacag lagu qiyaasay $14,000, iyada oo sannadki ka horeeyay ee 2021-2022 ay ahayd lacagta Soomaalidu soo direen $27,000.

Soomaalida ayaa sidoo kale ku maalgashatay dalka Masar lacag dhan $8,000 sanadkii lasoo dhaafay halka sannadkii 2021/2022 uu ahaa maalgashiga Soomaalida ee Masar lacag dhan $154,000.

Dadka Masar waxaa lagu qiyaasay inay gaareen 106.7 milyan oo qof sannadka 2024, halka tirada dadka Soomaaliya loo maleynayo ku dhawaad 20 milyan oo qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here