Thursday, September 19, 2024

Ganacsatada gobolka Banaadir oo ku baaqay shaqo joojin

Muqdisho (Dawan)- Ganacasatada gobolka Banaadir oo gadood ah canshuurta cusub ee dowladdu soo rogtay ayaa ku baaqay in shaqo joojin laga sameeyo dhammaan suuqyada berri oo ku beegan maalinta ay dowladdu u qabatay in la hirgeli doono canshuurta iibka.

War-saxaafadeed kasoo baxay ganacsatada ayaa lagu sheegay in ay hore ugu gudbiyeen dowladda cabasho ka dhan ah lacago sharci darro ah oo shirkado gaar loo leeyahay ay ka qaataan ganacsatada Gobolka Banaadir, intii laga xallin lahaa cabashadoodana hadda lasoo kordhiyay canshuurta iibka ee ah 5%.

Ganacatada ayaa ku eedeeyay wasaaradda maaliyadda inay hab aan sax ahayn u martay nidaamka ay ku qaadeyso canshuurta iibka.

Go’aanada kasoo baxay ganacasatada gobolka Banaadir ayaa ah;

in albaabada la isagu laabo dhamaan ganacsiyada gobolka Banaadir inta xal laga helayo

in la joojiyo badeecadii lagala soo degin jiray dekadda Muqdisho inta laga wareejinayo dekadda shirkadaha iyo shakhsiyaadka ka qaada ganacasatada gobolka lacagaha sharci darrada ah

in la joojiyo adeegsiga Baangiyada fududeeya in si sharci darro ah loola baxo lacagaha ganacsatada sidoo kalena lagala baxo lacagaha yaal Bangiyadaas.

Shirkadaha isgaarsiinta waxaa looga digay inay si fudud ku bixyaan xogta ganacsatada.

Go’aanka ganacasatada ayaa kusoo aadaya waxyar kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay inay waajib tahay in la bixiyo canshuurta si loogu qabto adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada sida waxbarahada , caafimaadka iyo amaanka.

Maxay tahay canshuurta buuqa dhalisay ee dowaladu soo rogtay?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here