Thursday, September 19, 2024

5 arrin oo ay tahay inaad ka ogaato xiisadda canshuurta gadista

Muqdisho (Dawan)- 5 arrin oo ay tahay inaad ka ogaato xiisadda canshuurta gadista ee dowladda Federaalka billaabeyso.

  1. Canshuurta gadista ee federaalka waxaa laga qaadaa qofka wax uu isticmaalayo soo iibsado waana 5% (lacagta aad wax ku iibsatay ayaad boqolkiiba 5 ku dareysaa).

  2. Maxay ganacsatada u diidan yihiin haddiiba qofka wax ka iibsaday laga rabo oo aysan iyaga saameyneynin?

    Shirkadaha adeegga lacagaha danabeysan sida EVC E-daha iyo wallet -ka bixiya oo shirkado isgaarsiin iyo bangiyo isugu jira waxay dowladda la wadaageen dhammaan xogta account-yida ganacsiyada ee ka furan, waxayna siiyeen access ay kula socon karaan lacag kasta oo ka timaada number caadi ah oo ku soo dhacda account-ka ganacsiga (Macnaha goob ganacsi loo diray), taas waxay si sahlan dowladda u siineysaa wadarta dakhliga sanadlaha ah ee shirkadaha iyo ganacsatada. Taas oo ugu dambeyn laga garan karo canshuurta faa’idada ee ku waajibtay marka la soo caddeeyo kharashaadka ku baxay.

  3. Ganacsatadu horay waa u aaminsanaayeen bangiyada iyo shirkadaha isgaarsiinta laakiin hay’adaha dowladda ma aaminsana. Xog is dhaafsigaan cusub ee dhex maray hay’adaha dowladda, bangiyada iyo shirkadaha isgaarsiinta waxa uu hoos u dhigayaa aaminaadda ganacstada iyo bangiyada, iyada oo ay soo baxeen warar sheegaya in qaar kamid ah shirkadaha isgaarsiinta dowladda kala hadleen in qoondo laga siiyo lacagaha canshuuraha ah ee ay ganacsatada ka soo xareeyeen maadaama lagu tiirsan yahay qalabkooda iyo nidaamkooda tiknoolojiyadda.

  4. Bangiyada waxay isku bedelayaan canshuur uruuriyayaal, taas oo siineysa awood iyo galaangal dheeraad ah oo aan sifo sharci ah ku fadhin maadaama ay iyaga soo gudbinayaan xogta shirkadaha, nidaamkoodu jarayo canshuurta isla markaana account-ka dowladda ay iyaga ku shubayaan.

  5. Canshuurtaan waxaa qaadaya dowladda Federaalka balse gobolka Banaadir oo kaliya ayaa laga qaadayaa, taas oo tartanka ganacsiga ee caasimadda iyo magaalooyinka kale meesha ka saareysa, caddaalad darrana ka dhigeysa, sababo la xiriira siyaasadaha is diidan iyo shuruucda dakhliyada oo aan dhameystirneen, dowladda Federaalka hadda waxay canshuur ka qaadaa Muqdisho oo kaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here