Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Ciidanka Saldhigga Boliiska ee degmada Holwadaag ayaa xiray Wariye Cabdirisaaq Cabdullaahi Aadan iyo Cabdiraxmaan Cabdulqaadir Maxamed oo ka wada tirsan holwadeennada Mustaqbal Media.

Labadaan wariye ayay cidamadu xireen xilli ay ku jireen howlahooda shaqo iyo tebinta banaanbax ka socday Suuqa Bakaaraha oo xiran maalintii labaad oo xiriir ah kadib marki ay dowladdu soo rogtay canshuurta iibka.

Gedo

Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa Daraawiishta ee Jubbaland ayaa kala wareegay Al-shabaab degaanada Shataaloow,  Aboow iyo Laaqeey ee ka tirsan Gobolka Gedo, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Hargeysa

Golaha wakiillada Somaliland ayaa ku eedeeyay xukuumadda inay beegsato shaqaalaha dowladda ee taageera xisbiyada iyo ururada siyaasadda.

Guddiga garsoorka, shuruucda iyo xuquuqda aadanaha ayaa xaqiijiyay in madaxda hay’adaha kala duwan ee Somaliland inay si gaar ah u bartilmaameedsadeen shaqaalaha taageera xisbiyada iyo ururada siyaasadeed ee mucaaradka ah.

Guddiga ayaa sheegay in tillaabadan ay ka dhalanayso ku takrifal awoodeed, faquuq, sinnaan la’aan iyo eex ka dhan ah xuquuqda shaqaalaha

Garissa

Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen, shan kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Xagarbuul iyo Sareedo oo kawada tirsan deegaanka Dhadhaab ee Ismaamulka Garissa

Labada qof ee dhimatay ayaa ahaa hooyo iyo gabdheeda, waxaana maydoodka iyo dhaawacyadii kale la geeyay deegaanka Dhadhaab.

Nairobi

Ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha waaxda duullimaadka dalka Kenya ayaa hakiyay shaqo joojin lagu ballansanaa inay maanta sameeyan shaqaalaha duulimaadka ee garoonka diyaaradaha.

Shaqaa joojinta ayaa dib loo dhigay muddo laba todobaad ah si fursad loo siiyo wadahadallada xukuuamadda iyo ururka shaqaalaha waaxda duullimaadka ay ka yeelanayaan heshiis la sheegay in shirkad laga leeyahay dalka Hindya looga iibiyay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport.

Jabuuti

Magaalada Carta ee dalka Jabuuti, waxaa maanta ka go’an biyaha, iyada oo ay dowladdu ku sheegtay sababta inay socdaan howlo dayactir ah.

Biyaha ayaa go’naan doona 8 subaxnimo ilaa 6 maqribno sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee dalkaas.

Koonfur Africa / Libya

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Koonfur Afrika ayaa ku dhawaaqday inay dalkeeda ka tarxiishay 95 qof oo u dhashay Libya kuwaas oo lasoo qabaty 26-kii bishii July iyaga oo si qarsoodi ah ugu tababaranayay xero ciidan oo ku taal gobolka Mpumalanga ee bariga Johannesburg.

Sida laga soo xigtay Boliiska Koonfur Afrika, Liibiyaanku waxay dalkaas ku galeen bishii April ee la soo dhaafay fiisooyinka been abuur ah oo ay kasoo qaateen Tunisia.

95 qof ayaa markii hore lagu eedeeyay inay ku xad-gudbeen sharciga socdaalka balse dacwad oogayaasha Koonfur Afrika ayaa Khamiistii la soo dhaafay laalay eedeymaha loo haystay, sababo la xiriira in la waayay cadeymo ku filan oo maxkamad lagu sari karo

Malaysia / Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Anwar Ibraahim ayaa maanta oo Isniintii kula kulmay magaalada caasimadda ah ee Kuala Lumpur Wasiirka Difaaca Turkiga Yasar Guler iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Ibraahim Kalin Turkiga oo booqasho ku jooga dalkaas.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in Guler iyo Kalin ay booqasho rasmi ah ku joogaan dalka Malaysia, iyadoo aan la sheegin mudada ay booqashadooda qaadan doonto.

Labada dowladood ayaa la filaya inay kawada hadlaan xoojinta iyo iskaashiga xiriirka labada dal ee dhanka amniga.

Bariga Dhexe

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa maanta kulan la qaatay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, si ay uga wada hadlaan dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro heshiiska isdhaafsiga maxaabiista iyo xabbad-joojinta dagaalka Gaza.

Waa marki sagaalaad ee uu Blinken booqasho ku tago Bariga Dhexe tan iyo markii uu billowwday dagaalka Gaza bishii October ee sannadkii 2023

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga Falastiin ee magaceeda loo soo gaabiyo UNRWA ayaa ku dhawaaqday maanta oo Isniin ah in tirada shaqaalaheeda lagu dilay marinka Gaza tan iyo markii uu dagaalka bilowday ay gaartay 207 qof.

Ku-dhawaaqistan ayaa kusoo beegantay iyadoo maanta dunida laga xusayo maalinta caalmaiga ee howlaha bini’aadantinimada.

Waxaa sii kordhaya tirada diyaaradaha ee joojiyay duulimaadyadii ay ku tegi jireen Tel Aviv iyadoo laga cabsi qabo xaaladda amni ee gobolka, waxaana ugu dambeysay shirkadda American Airlines, oo joojisay duulimaadyadeedi Tel Aviv ilaa bisha April

Bangladesh

Madaxa xukuumadda ku meel gaarka ah ee ee Bangladesh, Maxamed Yuunus, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay sii wadi doonto taageerada in ka badan hal milyan oo qof oo Rohingya ah kuwaas oo magan-galyo ka helay Bangladesh.

Yuunus waxa uu tilmaamay in dowladda Bangladesh ay u hoggaansami doonto dhammaan heshiisyada caalamiga ah ee arrimaha qaxootiga iyo magangelyada dadka dhibaatadu ay kasoo gaartay colaadaha.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 318-ad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun iyo 99 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 92,609 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 635 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here