Monday, November 25, 2024

Itoobiya ma dalka kaliya ee baddu gaarin baa dunida inteeda kale?

Muqdisho (Dawan)- Itoobiya ma dalka kaliya ee baddu gaarin baa dunida inteeda kale? Waxaa qoray agaasimihii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Cabdiraxiim Warsame

Dunida waxaa ka jira tiro kudhow laba boqol oo dal, inta aan xeeb lahayn waa 44 dal, Afrika 17 dal ayaan bad lahayn, Yurub 13 dal, Aasiya 12 halka koonfurta Qaaradda Ameerika laba waddan aysan haysan bad.

Liechtenstein iyo Uzbekistan waa labada dal ee dunida xitaa dariskooda uusan bad lahayn. Kazakhstan waa dalka ugu weyn dunida aan lahayn bad, halka itoobiya ay tahay dalka ugu tirada badan dadka kunool oo bad la’aan ah. Dadka ku nool dhammaan marka la isku daro dalalka aan badda lahayn waxaa lagu qiyaasaa 510m oo qof qiyaastii dunida ka ah 7%.

Dhaqaale ahaan waxaa ugu dhaqaale badan dalalka qaaradda Yurub ku yaal Switzerland, Austria, Czech Republic, marka la fiiriyo kuwa aan badda lahayn, sababtana waa daganaanshaha qaaradda Yurub ay ku nooshahay iyo isu furnaanshaha xuduudaha oo wax dhib ah kajirin, dhismaha kaabayaasha oo aad u hormarsan sida wadooyinka iyo tareenada.

Dalalkaas aan xeebaha dhicin, waxay adeegsadaan dekedo daris la ah, ama dekedo ka fog qaybtood laba waddan ilaa seddex dal la gooshayo. Dal intuu iska riyoodo iska oran kara marin bad oo aniga aan leeyahay awooddiisa hala isiiyo, waa taariikh cusub oo sidii looga wada hadli karo aad u adag tahay, balse dalkeena isagoo intaas katabar yar ayuu 10 sano ka hor u babac dhigey dal ka dhaqaale ahaan ka badan Itoobiya, kagana adkaaday dacwad socotay mudo 7 sano ah.

Dunida markii laga gaaray heshiis dhameytiran dhanka badaha 1982, uuna dhaqan gal noqdey 1994.

Waxaa xusid mudan dalka itoobiya inuusan wali meelmarin xeerka badaha aduunka golayaashiisa, kaliya uu saxiixay.

Heshiis kaas qodobo muhim ah laga dajiyey duruufaha ku xeeran dalalka aan lahayn xeebaha ee loo yaqaan ( land-locked States), waxaana loo sameeyey duruufo gaar ah oo lagu xusay dhanka horumarkooda, sidoo kale waxaa loo sameeyey shirar gaar u oo heer caalami ah oo lagu taageerayo, Action Land-Locked Development Countries LLDCs.

Kulamada Wadamada Xeebaha aan lahayn

Shirkii 1aad wuxuu ka qabsoomay Almaty, Kazakhstan, 28-29 August 2003. shirkii 2aad oo heer caalami ah wuxuu qabsoomay 5-10 November 2014 Vienna, Shirka 3aad wuxuu qabsoomi doonaa sanadkan December 2024, waxaana looga hadlaa shirarkas sida ay wax ugala soo degi lahaayeen dallaka xeebaha leh, dalalka ay transit ku yihiin, arimaha canshuuraha customs-ka, inaysan dhicin daahitaanka badeecadaha, xilliyada duruufaha jiraan sidii la isu kaashan lahaa, Qorshaha fog ee 10ka sano ee soo socota, waxayna kulmaan dalalkan oo shirkan oo heer UN loo qabtaa 10kii sanaba mar.

Waxaa shirarkooda ka qayb gala dhammaan Hay’adaha UN ka, dalalka xubnaha ka ah UN, waxaana laga soo saaraa Protocal’s iyo action points faafinta Golaha weyn ee Qaramada Midoobay lagu faafiyo.

Dalalka aan lahayn Xeebta iyo Xeerka badaha aduunka.

Xeerka badaha aduunka ee UNCLOS3, qaybtiisa 10aad, Qodobkiisa 125aad, faqrada 1aad,2aad,3aad waxay qorayaan sidan;

(Right of access to and from the sea and freedom of transit)

1. Waxaa loo ogolyahay dalalka aan lahyn xeebta inay gaaraan badda, maritaanka iyo gooshidda iyadoo laraacayo heshiiskan sida uu dhigayo

2. Waxaa waajib ah in heshiis laga gaaro maridda iyo gaarsta badda heshiiskaas oo labada dhinac ah, ama mid heer gobol ah.

3. Dowladda xeebta leh waxay awood u leedahay ilaalinta qaabka isticmaalka iyadoo u sameynaysa habraac, waxayna ka hortagaysaa wax walba oo dhibaato u keeni kara dhulkeeda iyo baddeedaba.

Itoobiya haday rabto jid sax ah kaas ayey soo mareysaa, iyadoo aad looga taxadarayo lana ilaalinayo sharciga.

Itoobiya ma waxay rabtaa deked ay u isticmaasho manaafic dhaqaale iyo badeeco mise, marin iyada ay maamusho oo siyaadadeeda ah, calanka lahaanshihiisa ay leedahay?

Itoobiya waxay rabto waa bad iyo marin ay qaadato oo ay iyadu maamusho, waxaana u sabab ah arinkaas sida ay wax u raadisey iyo talaabooyinka ay qaaday, waxayna heshiis laga gashay cid aan masuul ka ahayn masuuliyadeedana aan meel laga tixgalinayo aysan jirin dunida, iyo sida ay xalka u aragto in lasiiyo marin ay badda ka gaarto ma ahan inaan isticmaalo dekedo oo la ii ogolaado.

Waxaa kaloo cad in aysan rabin meel kabaxsan Gacanka cadmeed oo ah meel awoodeeda muujin karta, ayna u aragto meel muhim ah marka loo eego dhanka awoodda istiraatiijiyada, kana dhibaatayn karta dowladda Masar, hadduu qarxo dagaalka biyaha Nile ka, waxaa kaloo muhim u arka dowladaha xulufada ay yihiin Itoobiya ee aad u danaynaya Gacanka, madama ay baryahan ay kasoo kordheen weeraro dhanka kooxaha Xuutiyiinta. Muhiim ayey u arkeen in dowlad fulinaysa danahooda inay kusoo biirto gacanka iridka baabul mandabka, itoobiya waxay kaloo u aragtaa in dhaqaaleheeda kaga baxa wax soo dhoofsiga dhanka Jabuuti inay uga maarmi karto.

Maxaa la gudboon dowladda Soomaaliya?

Itoobiya warkeeda waa cadyahay inay boob rabto, dowladda Soomaaliya labadii wareeg ee hadda lagalayba meel fiican ayey ka istaagtay, waxayna isticmaashay dublumaasiyaddii ugu fiicnayd, saaxiib ka dunida aad ku leedahay inaadan diidin dhexdhexaadin tiisa, dunida kalena ay kula aragto qaabka gardarada ah ay u socoto dowladda itoobiya, taas oo baryahan ay hoos u dhac ku noqotay Abi Axmed, halka dalkeena uu heley taageero weyn.

Diyaar garow dhan walba ah ayaa nala gudboon dhanka difaaca, istiraatiijiyadda amni daraasaynta dalka itoobiya, diyaar garow dhanka aqoonta diyaarinta khuburo dhinac kasta, diyaarinta maalgashi inaan kusameyno badaheena oo aan kafaa’ideysano mashaariicdana loo leexiyo dhanka xeebaha, in la helo dalal saaxibtanimo oo awood buuxda u leh dalkan inuu isbadal kadhoco waliba kan amniga muddo kooban. Talaabooyinkan haddii laga dhabeeyo dalkeena wuu guuleysan.

2014kii waxaa nagu furmay malaf dacwadda badda inkastoo anaga aan dacawada geynay, kadib markii shirarkii lagu balamay ay Kenya imaan waydey, waan ku guuleysanay 10 sano kadib waddan dariska ayaa iska soo riyooday badaan rabaa, marka su’aashaas waa in si qoto dheer la isu weydiiyaa, dacwado furan ayaa jira oo aan wali cid iska arag sida Yemen ay soo gudbisay 2014, markii aan khariiradda cabirka badda aan gudbinay la isma warsan maalin uun way imaan, meela kale inay katimaado waa dhici kartaa maadaama laba badood oo aan wali laga faa’ideysan aan dhex joogno, iyo gobolka oo hadda ku baraarugay ahmiyadda badda ay uleedahay dal walba wixii kadambeeyey 2005 iyo dagaallada hardanka gobolka ka socda, goobta aan degannahay oo ah meel xasaasi ah.

inaad tiraahdo bad aan helo waxaa ka horeysa inaad hesho marka hore dhulkii badda ku dhaganaa ama kasokeeyey, ileen bad dhul laga galo waa in lahelo marka hore.

Haddii heshiiska beenta ay ka laabato itoobiya oo ay u hogaansanto sharciga iyo awoodda dowladda Soomaaliya, waa inaan Gacanka Acces laga siin.

Gabagabo.

Waxaa waajib nagu ah garab istaaga iyo taageerida (dagaalka ) uu dalkeena kujiro. in aqoon yahanka iyo xarumaha cilmi baarista ay isu yimaaddaan aadna loogu lafa guro waxa soo wajahan, dowladdana laga caawiyo talo siinta oo aan laga daalin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here