Thursday, September 19, 2024

5 siyaabood oo aad ku heli karto saaxiibbo kaa farxiya!

Muqdisho (Dawan)- Saaxiibadu waxay noqon karaan kuwa si wayn kuu farxad geliya, sida lagu ogaaday cilmi-baaris la sameeyay dhawaan taas oo muujisay kaalinta ay saaxibadu ku leeyihiin dareenka qofka, sida ay baahisay majaladda laga leeyahay Mareykanka ee “Forbes”.

Dunidu waxay mareysa xaalad ay adagahay in qofku helo saaxibtinimo uu isku halleyn karo, waayo waxaa hoos usii dhacay heerka nolosha ee dadka marka la eego ladnaatooda iyo caafimaadkooda, kalinimaduna waxay gaartay heerki ugu sarreeyay abid. Waxaa sii badanaya dadka qaba walaaca taas oo muujineysa muhiimadda ay saaxibtinimadu u leedahay farxadda iyo degganaansha qofka.

Qaababka lagu heli karo farxad

Sida lagu soo bandhigay cilmi-baaristaan cusub oo lagu sameeyay 40,000 qoys, waxaa lagu ogaaday in saaxiibbo badan oo kala duwan da’ ahaan, jinsi ahaan, dakhli ahaan iyo waxbarasho ahaanba ay u horseedi karaan qofku inuu dareemo qanaaaco dhanka nolosha ah.

Waxaa jira dhowr siyaabood oo cilmi ahaan la ogaaday inay kordhin karaa dareenka farxadeed ee qofka.

Barashada dad cusub

Mid ka mid ah siyaabaha uu qofku ku samayn karo xiriirka dadka ka duwan naftiisa, waa inuu ku biiro ama barto dad cusub laakin ay isku dhawyihiin waxyaabaha uu xiiseeyo ama uu jecelyahay.

Tusaale ahaan hadii uu qofku jecel yahay sawir-qaadista ama farshaxanka , waxaa haboon inuu ku biiro koox sameysa tolliinka gacanta kuwaas oo xiriir dhaw la leh waxyaabaha uu xiiseeyo laakin ka howl duwan.

Hadii uu jecleyahay socodka, waa inuu raadiya dadka sameeya kayaking si uu uga barto xirfado cusub iyo nuuc ciyaareed ka duwan tiisa laakin xiriir la leh. Fikraddaan waxay kaa caawin kartaa inaad hesho saaxib aysan suurtagal ahaan lahayn inaad la kulanto weligaa.

Dadka aad kawada shaqysaan goob qura

Shaqadu waa mid ka mid ah gooba aasaasiga ah ee ay dadku saaxiibo ku yeeshaan, gaar ahaan saaxiibadooda kala duwan. Inaad marti qaado qof aad wada shaqeeyaan oo aadan si hoose u garanaynin, waxay horseedi kartaa saaxiibtinimo sii dheeraata iyo inaad is dhexgashaan.

Inaad mararka qaar wacdo dadka aad shaqada wadaagtin, gaar ahaan kuwa aad kala joogtaan meelo kala fog, adiga oo aan kala hadlaynin wax la xiriira shaqada, iyaduna waa mi ka mid ah tillaabooyinka ay saaxibtinimadu ka dhalato.

Qofka furfuran

Siyaabaha kale oo lagu kobciyo xiriirka saaxibtnimada waa inaad tahay qof furfuran. Marka meel lawada joogo qofka billaaba hadalka, awood u leh inuu dadka waaydiiyo su’aalo muhiim ah, waxa uu noqon karaa qof bulshada ku dhex leh asaxaab badan oo kala duwan kuwaas oo noloshiisa kusoo kordhiya waayo aragnimo saameeyn ku yeelata qaabka nololeedka.

Huridda waqtiga


Haddii qofku uu dhisayo xiriirro kala duwan ama uu sii qoto dheereynayo xiriirka uu la leeyahay dadka ka duwan, waxay u baahan doonaan inuu geliyo dadaal dheeraad . Marka la eego cilimi-baaristaan, saaxiibtinimada dhabta ah waxay qaadataa in la dhiso ilaa 60 saacadood, waxayna u baahan tahay xiriir joogto ah iyo inaad waqti u hurto.

Asxaabtii hore iyo kuwa cusub


Habka kale ee la hubo ee lagu ballaarin karo xiriirka dhammaan asxaabta waa inaad meel isagu keento saaxibadaadi hore iyo kuwa aad hadda dooneyso inaad ka dhigato asaxaab cusub.

Waxa aad isagu imaan kartaan goobaha wax lagu wada aqristo ama lagu wada qaato waqtiyada lagu jiro fasaxa si aad isku dhaafsataan fikradaha aad haysanaa iyo khibradaha kala duwan.

Sida ay cilmi-baaristu tilmaamayso, qofku wuxuu xiiseeya inuu waqti la qaato dadka usoo bandhiga fikrado kala duwan iyo kuwa ay wadaagaan rabitaanka iyo xitaa waxyaabaha cajaa’ibka leh.

Ma jiraa qodob kale oo aad is leedahay, waxaa lagu heli saaxib wanaagsan?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here