Thursday, September 19, 2024

Dowladda oo abaalmarin ku bixineysa isticmaalka akoonnada ganacsiga

Muqdisho (Dawan)- Waxaxada heleysaa Computer, Taleefano iPhone ah, Dahab, ama gaaari nuuca raaxada ah, haddii aad noqoto cidda waxa ugu badan ku iibsata akoonnada ganacsiga sidaa ay sheegtay waasardda maaliyadda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in ay bilaabeeso abaalmarino la bixin doono seddexdii bilood mar, kuwaas oo la siin doono muwaadiniinta wax ku iibsata ama lacag ku shuba akoonnada ganacsiga.

Abaalmarintan ayaa la siin doonaa qofka marka uu wax ku iibsado ama lacagta ku diro koontooyinka ganacsiga (Merchant Accounts/Wallets).

Hadiyadaha la bixin doono ayeey ku sheegtay wasaardda  in ay ka koobnaan doonaan Kombiyuutarro, Taleefano iPhone ah, Dahab, iyo Gawaarida Raaxada.

Waxay wasarddu intaas ku dartay in cidda abaalmarinta helaysa lagu soo bandhigi doonaa nidaamka canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda.

Abaalmarintaan ayaa u muuqata mid ay dowladda ku dooneyso in dadka ay wax ka iibsadaaan akoonnada ganacsiga oo ay horay dowladda ugu soo rogtay cabnshuurta iibka oo 5% ah, wallow aan la ogeyn in uu noqon doono mid dadka  ku dhiirigaliya in ay isticmaalaan.

Arrinkaan ay soo saartay wasaardda  ayaa kusoo aadaya iyada oo diidmooyin canshuurta gadista ah ay horay uga soo bexeen shacabka iyo ganacsatada Muqdisho ee lagu soo ragay canshuurtan danabeysan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here