Thursday, September 19, 2024

Soomaaliya oo isku diyaarineysa shirka Shiinaha iyo Afrika

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Maalim Fiqi ayaa ayaa shir guddoomiyey kulan heer sare ah oo Soomaaliya ay ugu diyaar garoobyeso ka qeybgalka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC)

Kulankan ayaa looga gol lahaa in la mideeyo mudnaanta Soomaaliya ee madasha, iyadoo si qoto dheer looga dooday arrimo muhiim ah sida siyaasadda, amniga, maalgashiga, teknolojiyadda, tamarta, biyaha, beeraha, ganacsiga, iyo kalluumeysiga sida lagu sheegay qorala kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

Ajendaha ugu muhiimsan ee shirka ayaa ahaa sidii Soomaaliya u heli leheed maalgelin loogu talagalay mashruuca biyaha nadiifka ah ee Muqdisho.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay dhowr wasiir iyo mas’uuliyiin kale iyadoo  la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku biiro wafdiga, taasoo ka dhigi doonta wafdigii ugu ballaarnaa ee Soomaaliya uga qaybgasho madasha FOCAC.

Shirkan oo lagu magacaabo Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC), oo ah kulan caalami ah oo u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika ayaa looga wada hadlaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhaqaale, siyaasadeed, iyo bulsho. FOCAC waxaa la aasaasay sanadkii 2000, waxaana lagu qabtaa shirar joogto ah oo heer wasiirro iyo madax ah.

Madashan waxay diiradda saartaa sidii loo horumarin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Shirarkii hore ee FOCAC ayaa lagu gaaray heshiisyo dhowr ah oo la xiriira maalgelinta mashaariic horumarineed, siinta deeqo iyo daymo fudud oo ay Shiinaha siiso dalalka Afrika si loo taageero horumarkooda.

Shirka Sagaalaad ee FOCAC, oo ka dhacaya magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa billaaban doona bisha Sebtembar 4-teeda wuxuuna soocn doona ilaa 6, taas oo noqon karta fursad muhiim ah oo ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto iskaashiga Shiinaha sida maalgelinta biyaha, tamarta, iyo arrimo kal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here