Thursday, September 19, 2024

Horumarada dhanka caafimaadka ee dowlad deegaanka Soomaalida

Jigjiga (Dawan)- Waxaa qoray. Mustafe Muxumad Cumar, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida

Waxaan boggaadinayaa shaqooyinka fiican ee ka qabsoomay dhanka Caafimaadka lixdii sano ee isbadalka

1. Waxaa la dhisay 9 Cisbitaal oo cusub, bilaabayna adeeg-bixin. Taas ayaa tirada Cisbitaalada Deegaanka ee hadda adeega bixiya ka dhigaysa 18. Waxaa kale oo dhismahadoodu socdaa 3 Cisbital, halka 10 kalana la bilaabi doono Sanadkan. Markay dhamaadaan Cisbitaaladdan cusub waxay ka dhigayaan tirada Cisbitaaladda ee uu Deegaanku leeyahay 31.

2. Waxaa la balaadhiyay 6 cisbitaal oo kala ah (Dhagahbour, Qabridahar, Godey, Fik, Biki, iyo Karamardha oo Jigjiga ah). Balaadhinta ayaa qaar dhamaatay, qaarna dhamaad ku dhaw yihiin, iyadoo ay ku jiraan 2 Cisbitaal oo Hooyooyinka iyo Caruurta ah (MCH Hospitals) oo lagu daray Cisbitaaladda Jigjiga iyo Qabridahar.

3. Dhamaan Cisbitaaladda deegaanka waxaa lagu soo kordhiyay adeegyo ayna horay u bixin jirin oo ay ka mid yihiin: daawaynta indhaha, daawaynta lafaha, daawaynta ilkaha, kaydka dhiga (Blood Bank), qalabyo kala duwan oo shaybaadhka ah, farmasiyo casri ah, qalabka baadhida uur ku jirka, balaadhinta adeega qaliinka, adeega xaaladda daran ee dhalaanka ka yar 1 bil (Neo-Natal ICU) iyo bukaanka xaaladda daran ( ICU).

4. Isbadalka kadib waxaa Cisbitaaladda laga shaqaalaysiiyay 4170 shaqaale oo 166 ay yihiin Dhakaatiir takhasuus gaar ah leh.

5. Waxaa la dhisay 33 Xarumo Caafimaad, halka laga dhamaystiray lana qalabeeyay 14 horey u socday, taas oo tirada Xarumaha Caafimaad ee la hawlgaliyay ka dhigaysa 47.

6. Waxaa adeega Qaliinka lagu kordhiyay 11 Xarumo Caafimaad oo qaliinka dhalmadda ka bixiya goobo ka fog Cisbitaaladda, taas oo xakamaysay dhimashadii hooyooyinka ee xiliga dhalmadda.

7. Waxaa adeega caymiska caafimaadka ee bulshadda laga hirgaliyay 32 Degmo, halka la qorsheeyay in Sanadkan lagu daro 40 Degmo oo kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here