Thursday, September 19, 2024

Ciidamada Kenya oo lagu eedeyay inay afduub iyo dil ka gaysteen Wajeer

Wajeer ( Dawan)- Xildhibaanka Waqooyiga Wajeer, Ibraahim Cabdi Saney, ayaa cambaareeyay afduubka iyo dilka lagula kalacay dadka deegaanka, isagoo sheegay in ay geysteen ciidamo dhar cad.

Saney ayaa sheegay in Axmed Cumar Maxamed iyo Maxamed Cali Maxamed, oo dhallinyaro ah, la afduubtay August 20, 2024, xilli ay wateen baaskiil iyaga oo u socday magaalada Bute.

Sidoo kale, August 22, 2024, Ciise Buulle Maxamed ayaa laga afduubtay Xarunta Ganacsiga ee Ajawaa, halka Daadow Cadow Maxamed la dilay aroornimadii hore ee isla maalintaas.

Saney wuxuu ugu baaqay dowladda inay soo celiso saddexda muwaadin ee la afduubtay, isla markaana ay saaro masuuliyadda hal qof oo uu sheegay in boliisku dileen dhawaan.

Xildhibaanku wuxuu sidoo kale ku eedeeyay dowladda in aanay ka warqabin ciidamo boolis ah oo xiran dharka shacabka oo ku howlan roondooyin deegaanka, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay ka talo-bixinta sharci. Wuxuu booriyay dowladda inay wax ka beddesho qaabka ay wax u waddo, joojiso afduubka, jirdilka, iyo xadgudubyada ka dhanka ah shacabka.

Iasmamaullada Soomaalida aya ala kulmaka falaka Afduubka iyadoo xilligii hore ee dowladdii Uhuru Kenyatta ay jireen dhibaatooyin la mid ah, laakiin dowladda Ruto ayaa ballanqaaday in aysan dhici doonin afduubka iyo dilalka sharci daradda ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here