Thursday, September 19, 2024

Jubbaland oo shaacisay natiijada imtixaanka laba gobol

Kismaayo (Dawan)- Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2023-2024.

Imtixaanka waxaa sannadkan la qorsheeyay inay u fadhiistaan 4349 arday balse waxaa ka baqaaday imtixaanka 101 arday.

Dhamaan ardaydya ka qaybgashay imtixaanka ayaa loo diiwaan geliyay labada gobol ee Jubbada Hoose iyo Gedo.

Ma jiro deegaan ama degmo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe oo ka qayb galay Imtixaanka taas oo muujneysa inuusan jirin deegaan ka tirsan gobolkaas oo gacanta ugu jira maamulka Jubbaland.

20 xarumood oo ku kala yaal 11 degmo ayaa lagu galay Imtixaanka oo ay ka qaybqaateen 2660 wiil iyo 1689 gabdhood.

4203 ayaa baasay imtixaanka, waxaana ku dhacay 45 arday, sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland.

Inkasta oo Saynab Cali Yuusuf oo ka socotay Kismaayo ay gashay kaalinta kowaad hadana celceliska degmooyinka waxaa ugu horeeya degmada Afmadow ee Jubbada Hoose, halka Kismaayo ay gashay kaalinta ugu dambeysa marka la eego celceliska natiijooyinka guud.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here