Thursday, September 19, 2024

Malta oo qorsheyeneysa inay tarxiisho qaxootiga Itoobiyaanka ah

Malta (Dawan)- Qaxootiga Itoobiya ee ku sugan Malta ayaa walaac xoogan ka muujiyay qorshaha dib loogu celinayo dalkooda kadib dhowr sano oo ay ku noolaayeen halkaas.

Ilaa iyo hadda waxaa la xiray tobaneeyo qof kuwaas oo Malta ku noolaa 19 sano ee lasoo dhaafay, iyada oo lagu wargeliyay in dib loogu celi doono dalkooda Itoobiya.

“Waxaan ahaa 16 jir markii aan doon ku imid Malta 2005. Waxaan ahaa ilmo aan cidina wehelin. Ma aqaano Itoobiya. Malta waa gurigeyga. Waanu shaqaynay si aan u noqono canshuur bixiyayaal leh xuquuq, wax dhibaato ahna ma geysanin. Hadda waxaa naloola dhaqmayaa sidii dambiilayaal. Sida xoolaha oo kale,” Sidaas waxa yiri, nin la xiray shan ka mid ah asaxaabtiisa.

Dadka la xiray qaarkood waxay haystaan warqado muujinaya inay yihiin qaxooti, kuwa kalena waa ganacsato si sharci ah ku jooga Malta

Dad gaaraya ilaa 100 Itoobiyaan ah ayaa lagu wargeliyay inay isaga baxaan Malta, kuwaas oo aan garanaynin meel ay aadaan maadaama ay halkaas ku noolaayeen muddo dheer.

“Dhammaanteen waan wareernay. Qaar waxay halkan joogeen 15, 16, 17 iyo xitaa 19 sano. Waxaan leenahay caruur. Malta waa gurigeena. Carruurteenu halkan ayay wax ku bartaan.. Waxaan nahay dad aad u nabdoon,” ayuu yiri, mid ka mid ah dadka loo sheegay in la musaafurinayo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Malta ayaa sheegtay in dadka ku yimid sharci darrada ee aan u qalmin inay helaan magangalyada caalamiga ah in loo soo bandhigay qorshaha ay dib ugu laabanayaan dalkooda.

Wasaaradda ayaa intaas raacisay in go’aanka lagu tarxiilayo dadkaan uu yimid kadib markii ay mas’uuliyiinta Itoobiya isla garteen in la iska kaashado dib u celinta qaxootiga Itoobiyaanka ah ee ku sugan Malta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here