Thursday, September 19, 2024

Dekadaha oo soo celisay guul Soomaaliya ugu dambeysay 1988

Muqdisho (Dawan)- Kooxda Dekadaha ayaa u soo gudubtay wareega labaad ee isreeb-reebka koobka kooxaha qaaradda Afrika (CAF Champions League) waana guul ka maqneed Soomaaliya ku dhawaad 40 sano.

Guushan ayaa timid ka dib markii ay 5/4 kaga badisay kooxda Carta Solar ee dalka Jabuuti wadar ahaan labadi lugood ee ay wada ciyaaareen labada koox.

Lugti ugu dambeysay waxaa lagu ciyaaray garoonka Azzam Sports Complex ee magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

Taageerayaasha kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa aad ugu riiyaqay guusha Dekadaha taas oo muujisay dib u soo kabashada kubbadda cagta Soomaaliya ee heerka qaaradaha.

Naadiga Dekadaha ayaa soo afjartay abaartii 36-sano ka haystay kooxaha Soomaalida inay guul nuucaan ah ka gaaraan ciyaaraha qaaraadda ee ay ee ka qeyb galaan

Markii ugu dambeysay ee koox Soomaaliyeed ay usoo baxdo wareegaan waxay aheyd sanadkii 1988, markaas oo kooxdii Wagad ay gaartay wareega labaad ee isreebreebka, ka dib markii ay ka badisay kooxdii ka socotay Rwanda ee Panthers Nuwar.

Safarkii kooxda Wagad waxa uu soo gabagaboobay wareegi labaad kadib markii ay guul darro culus kala kulantay kooxda Suudaan ee Al Hilaal oo celcelis ahaan uga badisay labada kulan 1/7

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed ayaa kooxda Dekedaha ugu hambalyeeyay iney u gudbeen wareega labaad ee isreeb-reebka koobka kooxaha qaaradda Afrika (CAF Champions League.

“Waxaaan Hambalyo leeyahay maamulka, macalimiinta, ciyaartoyda & taageerayaasha kooxda Dekedaha oo u gudubtay wareega labaad ee isreeb-reebka CAF Champions League” ayuu yiri; Cali Shiine

Waxa uu intaas raaciyay “Guushaas waxey muujineysaa sida ciyaaraha Soomaaliya ay kor ugu kaceen, waxaana kulamada kusoo socda u rajeynayaa guulo kale”.

Dekadaha waxay ka hortegi doonta wareega soo socda kooxda dalka Tunisia ee Esperance, iyaga oo wada ciyaari doona bisha soo socota.

Esperance ayaa ka mid ah kooxaha ugu magaca weyn qaaradda Afrika, waxayna tijaabo kale u tahay awoodda Kooxda Dekadaha iyo in qiimeyn lagu sameeyo horumarka kubadda cagta Soomaaliya ee heer qaarad.

Ku dhawaad ​​40 sano ka dib, Naadiga Dekadaha waxay fursad u haysataa inay ka gudubto marxaladan oo ay u soo baxdo heerka group-yada ee koobka kooxaha qaaradda Afrika

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here