Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Kulankii Golaha Shacabka ayaa maanta u baaqday sababo la xiriira kooram la’aan. Waxaa soo xaadiray kaliya 133 xildhibaan, iyada oo tirada loo baahnayahy ay tahay 139 xildhibaan.

Maanta waxaa lagu ballansanaa in la soo gabagabeeyo doodda la xiriirta arrimaha Canshuuraha iibka iyo cabashada ka timid ganacsatada Soomaaliyeed.

Jigjiga

Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa beeniyay wararka sheegaya in dad ku sugan magaalooyinka Qabribayax iyo Faafan laga helay cudurka Monkeypox ee dhawaan ka dilaacay Congo kuna fiday qaar ka mid ah dalalka Afrika.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegtay in walaacii ka dhashay xanuun ku dhacay siddeed qof uusan ahayn cudurka Mpox, iyada oo dadkii xanuunsanaa ay hadda bugsadeen.

Madaxda caafimaadka ee deegaanka ayaa ugu baaqday dadwaynaha inay ka feejignaadaan wararka beenabuurka ah lana socdaan oo kaliya wararka la hubo ee hay’adaha ku shaqada leh arrimahan

Kenya

Dowladda Kenya ayaa ciidamo u dirtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo si ay ugu midnoqdaan ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay kuwaas oo loo xil saaray inay xasilooni kusoo dabbaalaan gobollada rabshadaha ka taagan yihiin ee dalkaas.

Qorshuhu waxa uu yahay inay ka qayb qaataan howlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan, ilaalinta dadka rayidka ah, taageeridda dadaallada bani’aadannimo, iyo ka shaqaynta hub-ka-dhigista maleeshiyaadkii hore, sida ay sheegtay wasaaradda gaashandhigga Kenya

Malta / Itoobiya

Qaxootiga Itoobiya ee ku sugan Malta ayaa walaac xoogan ka muujiyay qorshaha dib loogu celinayo dalkooda kadib dhowr sano oo ay ku noolaayeen halkaas.

Ilaa iyo hadda waxaa la xiray tobaneeyo qof kuwaas oo qaarkood ay Malta ku noolaayeen 19 sano ee lasoo dhaafay, iyada oo lagu wargeliyay in dib loogu celi doono dalkooda Itoobiya.

Dad gaaraya ilaa 100 Itoobiyaan ah ayaa lagu wargeliyay inay isaga baxaan Malta, kuwaas oo sheegay inaysan garanaynin meel ay aadaan maadaama ay halkaas ku noolaayeen muddo dheer.

Faransa

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sii wada wada-hadallada uu la leeyahay hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda si uu usoo dhiso xukuumad cusub kadib doorashoyinkii bishii July.

Isbahaysiga garabka bidix ayaa guulo kasoo hooyay doorashadii laga soo hormariyay waqtigeed ee ka dhacday dalkaas, wuxuuna helay kuraasta ugu badan ee Baarlamaanka

US

Guddi-hawleed ka kooban xildhinaanada labada xisbi ee Mareykanka ayaa baaraya isku daygii dil ee 13-kii July lagu beegsaday madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, waxeyna tagi doona magaalada Butler ee gobolka Pennsylvania, si ay u booqdaan goobta ay toogashadu ka dhacday.

Laba sarkaal oo ka socda hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ayaa warbixin ku saabsan xaaladda Gaza ku siin doona warbaahinta xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Intii uu socday dagaalkii Gaza, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin waxaa ka dhintay 209 howlwadeen waxayna Israel duqeysay 190 xarumood oo ay hay’addu leedahay.

Ruush/ Ukraine

Ruushka iyo Ukraine ayaa weli ku dagaalamaya gobolka Kursk, halkaas oo Kyiv ay duullaan ku qaaday horaantii bishaan.

Ukraine waxay sheeganeysaa inay qabsatay in ka badan 93 deegaan oo ay ku jirto magaalada Sudzha.

Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in 31 qof ay dhinteen, 143 ayna dhaawacmeen iyada oo in ka badan 133,000 qof la daadgureeyay tan iyo markii uu billaawaday dagaalka gobolka Kursk.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ujeedka howlgalkan uu yahay in la sameeyo aag difaac ah.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa dhaleeceeyay duulaanka Ukraine isagoo ku tilmaamay “weerar argagixiso”.

AFRIKA

Hay’adaha samafalka ayaa la filayaa in ay gaarsiiyaan gargaar deg deg ah si ay u taageeraan dalalka ay saameeyeen fatahaadaha ee Galbeedka iyo Bartamaha Afrika.

Burkina Faso, Mali, Niger, Nigeria, iyo Chad waxay wajahayan daadad xoogan tan iyo 16-kii Agoosto . Daadadku waxaa sababeen dhimasahda boqolaal qof waxayna waxyeelleeyeen kaabayaasha gaarka loo leeyahay iyo kuwa guud.

Aasiya – PACIFIC

Hogaamiyayaasha 18 jasiiradood oo ku yaala Pacific-ga ayaa ka qayb galaya shirka 53-aad ee Madasha Hogaamiyayaasha Jasiiradaha Baasifiga oo ay martigelinayso Tonga.

Isbeddelka cimilada ayaa ah ajandaha ugu muhiimsan.

Pakistan

Kooxa hubeysan ayaa gobolka Balochistan ee koonfur galbeed Pakistan ku dilay 22 qof oo saarna gaari bas ah

Wakaalada Wararka ee France Press oo soo xiganaysa mas’uul Pakistan ah ayaa sheegtay in rag hubeysan ay joojiyeen dhowr bas iyo kuwa xamuulka qaada, kadibna ay toogteen dad rakaab ahaa oo ka yimid gobolka Punjab.

Suudaan/ Turkey

Madaxa Golaha hoggaamiya dalka Suudaan, Cabdifataax Al-Burhaan ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Turkiga u fadhin doonta Khartoum, Fatih Yildiz.

Yildiz ayaa bedelay safiirkii hore ee Ismaaciil Chobanoglu, kaas oo soo gabagabeeyay howlhiisi safiirnimo ee uu muddo labo sano ah ku joogay Suudaan.

Xiriirka Suudaan iyo Turkiga ayaa xoogeystay labaatankii sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan tan iyo markii xisbiga cadaaladda iyo horumarka uu hoogaanka u qabtay Turkiga.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 325-ad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun iyo 405 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 93,468 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 640 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

10 diyaaradood oo ah kuwa caalami ah ayaa baajiyay duullimaadyadii ay ku tagi jireen Israel kadib markii ay cirika isku shareertay cabsida laga qabo dagaal toos ah oo dhex mara Xisbullaahi iyo Israel.

Shirkadahaas waxaa ka mid ah Air France, the Dutch Transavia, the Hungarian Wizz Air, the Maltese Corendon, Ethiopian Airlines, Aegean Airlines, iyo Universal oo laga leeyahay Giriigga

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here