Thursday, September 19, 2024

Mauritania iyo Spain oo iska kaashanaya la dagaalanka tahriibka

Nouakchott (Dawan)- Dowladaha Mauritania iyo Spaian ayaa kala saxiixday is-afgarad la xiriira sidii la isaga kaashan lahaa ka hortagga tahriibka iyo dambiyada abaabulan, sida ay sheegatay Wakaaladda Wararka Mauritania.

Heshiiskan ayaan yimid kadib markii uu ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez booqasho ku tagay Mauritania, isaga oo uga sii gudbi doona Gambia iyo Senegal.

Heshiiska is-afgaradka ah waxa uu tilmaamaya in la sameeyo qaab-dhismeedka iskaashiga labada dal si wax looga qabto arrimaha socdaalka sharci darrada ah iyada oo la sameyn doono mashruuc tijaabo ah oo shaqo abuur loogu samaynayo dadka Mauritania.

Waa markii labaad ee Sanchez uu booqdo Mauritania sanadkan, waxaana booqashadii hore ee February ku wehelisay madaxa guddiga Yurub Ursula von der Leyen.

Midowga Yurub ayaa hore ugu deeqay Mauritania deeq gargaar oo dhan 522 milyan oo Yuuro, si kor loogu qaado horumarkeeda dhaqaale iyo la dagaalanka socdaalka aan sharciga ahayn.

Mauritania ayaa heshiisyo dhanka la dagaalanka tahriibka ah kula jirta dalal badan oo Yurub ah, gaar ahaan Spain, maadaama Mauritania ay tahay marinka ugu weyn ee ay ka gudbaan muhaajiriinta ka imaanaya dalalka Afrika ee doonaya inay u tahriibaan Yurub, si ay u helaan nolol dhaanta tan dalalkooda ku jira colaadaha iyo dhibaatooyinka kale.

Dabayaaqadii bishii Luulyo, Mauritania waxay badda kasoo saartay 25 qof oo mayd ah, waxaana u suurtagashay in ay badbaadiyaan 103 kale ka dib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay xeebaha caasimadda ee Nouakchott.

Maalmo ka hor, waxay sidoo kale ku dhawaaqay in meydadka 87 muhaajiriin ah laga helay meel u dhow xeebaha magaalada Angakou, ee koonfur galbeed ee dalkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here