Thursday, September 19, 2024

Garissa..Xayiraadda qodista macdanta oo sababtay dhaqaalo xumo

Garissa (Dawan)- Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada ee ismaamulka Garrisa ayaa ka codsaday dowladda dhexe in ay dib uga fiirsato xayiraadda lagu soo rogay qodista dhagxaanta “kotkotada” ah ee ismaamulka, taasoo la mamnuucay sanad ka hor sababo la xiriira amni darrada ka dhalatay aagga macdanta.

Hoggaamiyeyaashan oo uu hoggaaminayo Maxamed Carees, oo hore u ahaa musharrax u tartamay xildhibaanimada deegaanka Balambala, ayaa sheegay in qodista macdanta ay si weyn u taageeri jirtay kobcinta dhaqaalaha dalka, iyada oo shirkadaha qodayay dhagaxaanta ay canshuur sii jireen dowladda dhexe iyo midda hoose, taas oo lagu maalgelin jiray mashaariic muhiim ah oo bulshada u baahantahay.

Waxay sidoo kale sheegeen in qodista dhagaxaanta ay ahayd fursad shaqo oo muhiim ah dhallinyarada iyo dadka nolosha hoose taasoo gacan ka gaysanaysay maareynta noloshooda.

Hoggaamiyeyaashu waxay ku baaqeen in wasiirka cusub ee macdanta, Xasan Joho inuu la yimaado qorshe sare loogu qaadayo qiimaha dhagaxaanta laga qodo gobollada Xeebta iyo Waqooyi Bari ee Kenya

Waxay sheegeen in aysan jirin sabab amni oo loo mamnuuco qodista dhagaxaanta, iyaga oo ku doodaya in amni darrada Garissa aysan wax xiriir ah la lahayn qodista dhagaxaanta. Waxay sidoo kale dowladda ugu baaqeen in ay tillaabo ka qaado shirkad kasta oo si sharci darro ah uga qodaysa macdanta ismaamulka Garissa, iyagoo ku eedeeyay shirkadahan in ay kow ka yihiin kuwa dhibaatooyinka keena.

Howlaha qodista macdanta ee Garissa ayaa la mamnuucay bishii August ee sanadkii hore, ka dib markii rabshado ay ka dhaceen aagga macdanta kuwaas oo sababbay dhimashada sagaal qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here