Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Golaha Wasiirrada ayaa meelmariyey heshiis ku saabsan iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta oo dhexmaray Soomaaliya Shiinaha.

Golaha ayaa sidoo kale aqbalay soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ah in Cabdiraxmaan Siciid Axmed loo magacaabo maareeye ku-xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha.

Garissa

Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada ee ismaamulka Garrisa ayaa ka codsaday dowladda dhexe in ay dib uga fiirsato xayiraadda lagu soo rogay qodista dhagxaanta “kotkotada” ah ee ismaamulka, taasoo la mamnuucay sanad ka hor sababo la xiriira amni darrada ka dhalatay aagga macdanta.

Hoggaamiyeyaasha ayaa sheegay in qodista dhagaxaanta ay ahayd fursad shaqo oo muhiim ah dhallinyarada iyo dadka nolosha hoose taasoo gacan ka gaysanaysay maareynta noloshooda.

Mandera

Laba shil oo ka dhacay magaalada Mandera ayaa sababay dhimashada laba ruux, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha Kenya.

Shilka koowaad ayaa ka dhacay Wargaduud oo ku taal Koonfurta ismaamulka Mandera waxaana ku nafwaayay mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka

Mooto kale oo ay saarnaayeen arday ayaa shil gashay isla maanata waxaan ku dhintay darawalki halka ay ku dhaawacmeen ardaydi saarneed mootada

Jigjiga

Kulanka joogtada ahaa ee Gollaha Amniga Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa looga hadlay xoojinta amniga ee xudadaha iyo gudaha deegaanka iyo ka hortaga deegaamaynta cusub.

Kulanka ayaa la iskula qaatay in hay’addaha amniga lagu garab siiyo dadaadaalada ay ugu jiraan sii adkaynta amniga iyo Xasiloonida Deegaanka.

Jabuuti

Jabuuti ayaa caro ka muujisay hadal uu dhawaan sheegay Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni xilli uu ka hadlayay kulan uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo booqday Kampala

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Dawaleh, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii Museveni kaas oo sida sheegay baalrmarsan ixtiraamka iyo hab-maamuuska ka dhexeeya dalalka Africa.

Museveni ayaa wasiirka ku tilmaamay cunug yar xilli uu ka qayb gelayay daahfurka ololaha Raila Odina ee tartanka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Turkey / Ciraaq

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in muwaadiniinta Ciraaq ee da’doodu ka yar tahay 15 jir iyo kuwa ka wayn da’da 50-ka in laga cafiyay dal ku galka dalkaas .

Qaraarkan ayaa hirgeli doona laga bilaabo 1-da September, waxeyna dadkaas fursad u heli doonaan inay galaan Turkiga iyaga oo aan u baahnayn nuucyada kala duwan ee fiisaha

Yurub

Wasiirada Arrimaha dibadda ee Midowgaya Yurub iyo qaar ka mid ah dalalka saaxibka la ah ayaa kulan aan rasmi ahayn ku yelanaya magaalada Brussels si ay uga wada hadlaan dagaalka Ruushka iyo Ukraine, xiisadaha Bariga Dhexe, iyo dadaallada diblomaasiyadeed ee xabbad joojinta Gaza.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer oo booqasho ku jooga Paris ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa inuu la kulmo madaxda ganacsiga. Starmer ayaa Arbacadii u safray caasimadda Faransiiska si uu uga qayb galo xafladda furitaanka ciyaaraha Olombikada ee dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

Mareykanka

Murashaxa madaxtinimada Mareykanka ee xisbiga Dimuqraadiga Kamala Harris ayaa kulan ku saabsan ololaheeda ku qaban doonta gobolka muhiimka ah ee Georgia iyada oo doonaysa in ay dib u soo celiso kalsoonida gobolkaas ee xisbiga.

Dhanka kale, murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa qorshihiisa dhaqaale kusoo bandhigi doona gobolka Michigan oo u janjaeera dhinaca Dimuqraadiga tan iyo markii Kamala Harris ay si rasmi ah u noqotay murashaxa madaxweyne ee lagu bedelay Joe Biden

Ruushka / Senegal

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa caasimadda Moscow ku qaabilaya dhiggiisa Senegal Yassin Fall. Labada wasiir ayaa qorsheynaya inay ka wada hadlaan rajada horumarinta iskaashiga labada dhinac, iyo sidoo kale arrimaha muhiimka ah ee caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Africa

Wadamada Afrikaanka ah ee uu ka dilaacay fayraska mpox ayaa la filayaa in ay helaan deeq tallaal ah oo lagula dagaalamayo cudurka, kadib markii Ururka Caafimaadka Adduunka uu ku dhawaaqay xaalad deg deg ah.

Nigeria ayaa nooqtay waddankii ugu horreeyay ee lasoo gaarsiiyo tallaalka mpox, waxaana qorshuhu yahay in la gaarsiiyo dalalka kale ee laga diiwaan geliayay kiisaska cudurka.

Japan

Wakaaladda cimilada ee Japan ayaa soo saartay digniin ah in duufaan xooggan ay ku dhufan karto gobolka koonfur-galbeed ee dalka laga bilaabo maanta oo Khamiis ah.

Hoary waxa loo joojiyay adeegga tareenada ee gobolka halka shirkadda Toyota Motor ay sidoo kale joojisay dhammaan howlhii 14-ka warshadood ee dalka oo dhan.

Kuuriyada Koonfureed

Kuuriyada Koonfureed waxaa la filaya in ku dhawaad 30,000 oo kalkaaliyaal iyo shaqaale caafimaad ah inay bilaabaan shaqo joojin iyaga oo ka cabanaya mushaar xumo.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 328-ad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun iyo 534 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 93,778 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 661 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad gaaraya 9, 970 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here