Thursday, September 19, 2024

Dalal ay ka mid tahay Itoobiya oo loogu deeqay gargaar bani’aadantinimo

Addis Ababa (Dawan)- Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-dubaridka Arrimaha Bani’aadanimada (OCHA) ayaa Jimcadii ku dhawaaqay in la fasaxay $100 milyan oo dheeraad ah oo ka tmid Sanduuqa Gargaarka Degdegga ah ee Dhexe (CERF) si wax looga qabto xaaladaha bani’aadantinimo iyo dhaqaala xumada ka jirta dhowr dal.

Gargaarkan degdegga ah wuxuu taageeri doonaa 10 dal oo ku kala yaal Afrika, Ameerika, Aasiya, iyo Bariga Dhexe, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska isku-dubaridka Qaramada Midoobay.

In ka badan saddex-meelood meel ka mid ah deeqda cusub ee gargaarka degdegga ah waxaa loo qoondeeyay howlaha gargaarka ee Yemen ($20 milyan) iyo Itoobiya ($15 milyan), dalalkaas oo dadkoodu ay la daalaa-dhacayaan saameynta ka dhaltay gaajada, barakaca, cudurrada, iyo masiibooyinka cimilada, sida lagu sheegay bayaanka OCHA

Xirmadan cusub ee dhaqaalaha waxaa sidoo kale lagu taageeri doonaa howlaha gargaarka ee dalalka ay saameeyeen sanado badan oo colaado iyo barakac ah oo ay uga sii dartay isbadelka cimilo. Dalalkan waxaa ka mid ah Myanmar ($12 milyan), Mali ($11 milyan), Burkina Faso ($10 milyan), Haiti ($9 milyan), Cameroon ($7 milyan), iyo Mozambique ($7 milyan).

Dalalka u baahan in laga taageero dhibaatooyinak ka dhashay abaarta iyo fatahaadaha ay sababtay El Niño, sida Burundi ($5 milyan) iyo Malawi ($4 milyan), ayaa sidoo kale nasiib u yeelanaya qayb ka mid ah deeqdan.

Gargraan bani’aadantinimo waa qaybtii labaad ee lacagta sanduuqa degdegga ah ee loo qoondeeyay xaaladaha degdegga ah ee sanadkan, iyadoo $100 milyan loo ogolaaday in la siiyo toddobo dal bishii Febraayo.

Si kastaba ha ahaatee, wadarta $200 milyan ee loo sii daayay xaaladaha gargaarka bani’aadamnimo waa “qiimaha ugu yar” saddexdii sano ee la soo dhaafay, sida lagu sheegay bayaanka.

Sanadkan, xaaladda  bani’aadamnimo waxaa loo qorsheeyay ku dhawaad $49 bilyan si ay u gaaraan 187 milyan oo ka mid ah dadka ugu nugul ee ku sugan xaaladaha degdegga ah ee caalamka. Si kastaba ha ahaatee, kaliya 29% ayaa laga helay dhaqaalihii la doonaayay, taasoo ka dhigan farqi dhan $35 bilyan oo dhiman weli.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here