Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu Itoobiya ku wareejiyo dedked ay maamlkeeda leedahay 100% si xal looga gaaro muranka badda ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Wasiirka oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in dekedda Tadjoura oo 100 KM u jirta Itoobiya inay xal u noqon doonto baahida ay Itoobiya u qabto inay hesho deked sidoo kalena looga gudbi karo xiisadda gobolka ka jirta.

Jigjiga

Magaalada Godey ee xarunta gobolka Shabeelle ee Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa ka socda bandhiga buugaagta, iyada oo ay kasoo qayb galeen, mas’uuluiin, aqoonyahano iyo qeybaha kalad duwan ee bulshada.

Kenya

Qofki seddexaad ee uu ku dhacay furuq daanyeerka loo yaqaano Mpox ayaa laga diiwaan geliyay gudaha Kenya, sida uu xaqiijiyay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr.Patrick Amoth.

Haweeney 30 jir ah oo ku nool magaalada caasimadda ah ee Nairobi ayaa laga helay cudurka, taas oo dhawaan u safartay dalka Uganda, waxaana hadda lagu baxnaaninaya qayb gaar ah oo loogu tala galay dadka uu ku dhaco cudurka Mpox

Labadii kiis ee hore ee fayraska Mpox ayaa laga xaqiijiyay ismaamullada Taita Taveta iyo Busia waxaana laga helay wadayaasha baabuurta xamuulka qaada.

Itoobiya

Rabshado iyo iska horimaadyo hubeysan ayaa ka socda in ka badan lix maalmood degmada Darra, oo ku taal Waqooyiga gobolka Oromada ee Itoobiya, waxaana ku dhintay ugu yaraan lix qof oo rayid ah.

Sidoo kale, waxaa jira qasaaro hantiyadeed iyada oo la gubay in ka badan 50 guri iyo gawaari kala duwan, waxaana lagu qasbay dadka rayidka ah inay ka barakacaan guryahooda.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta gudaha ee dalkaas in kooxo hubeysan ay marar badan weerar kusoo qaadeen dadka shacabka ah ee ku nool miyiga tuulooyinka Birje, Wara Gabro, Salalkula, iyo Jiru Dada oo hoostaga degmada Darra.

Koonfura Suudaan

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Jimcihii ku dhawaaqday inay xayiraad ku soo rogtay fiisaha qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Koonfurta Suudaan kuwaas oo lagu eedeeyay inay canshuur ku soo rogeen shixnadaha gargaarka bini’aadantinimo taas oo caqabad ku ah gargaarka loogu talagalay malaayiin qof oo baahan

Dalka Koonfurta Suudaan waxaa ka jira masiibo bini’aadantinimo oo aad u daran, taas oo ay uga sii dareen colaadaha , masiibooyinka dabiiciga ah, iyo saboolnimada baahsan ee ka jirta dalkaas.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in muranka canshuuraha ee kala dhaxeeya maamulka Koonfurta Suudaan inuu dib u dhigay keenista booyadaha shidaalka ee Qaramada Midoobay, taasoo saameyn ku yeelatay howlihii gargaarka.

Yemen

In ka badan 27 qof ayaa ku dhintay, 6 kale dhawaac ayaa soo gaaray, halka tobaneeyo kalena la la’yahay ka dib markii roobab mahiigaan ah ay ka da’een shalay deegaanka Wasaab ee gobolka Damaar ee dalka Yemen.

Tirada dadka ku dhintay fataadaha gobolka Xudeydah ee Yemen ayaa gaartay 84 qof, halka Qaramada Midoobay ay sheegtay in 18 milyan oo qof ay baahan yihiin gargaar bini’aadannimo oo degdeg ah.

UK

In ka badan 650 ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya gegida diyaaradaha ee Heathrow ee magaalada London, kuwaas oo xubno ka ah ururka Unison, ayaa bilaabaya shaqo joojin afar maalmood ah iyaga oo ka cabanaya jadwalka shaqada

UN

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-dubaridka Arrimaha Bani’aadanimada (OCHA) ayaa Jimcadii ku dhawaaqay in la fasaxay $100 milyan oo dheeraad ah oo ka tmid Sanduuqa Gargaarka Degdegga ah si wax looga qabto xaaladaha bani’aadantinimo iyo dhaqaala xumada ka jirta dhowr dal oo kula yaal qaaradaha Afrika, Ameerika iyo Aasiya

Dalalka loogu tala galay deeqdaan ayaa kala ah Yemen ($20 milyan), Itoobiya ($15 milyan), Myanmar ($12 milyan), Mali ($11 milyan), Burkina Faso ($10 milyan), Haiti ($9 milyan), Cameroon ($7 milyan), Mozambique ($7 milyan), Burundi ($5 milyan) iyo Malawi 

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 330-ad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun iyo 602 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 93,855 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 674 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here