Thursday, September 19, 2024

Algeria oo ku biirtay Bangiga Horumarinta ee BRICS

Algeria (Dawan)- Algeria ayaa loo oggolaaday inay xubin ka noqoto Bangiga Horumarinta Cusub ee BRICS (NDB), sida ay sheegtay Sabtidi madaxweynaha Bangiga, Dilma Rousseff.

Bangiga NDB ayaa dhidibada loo taagay sannadkii 2015 xilligaas oo dowladaha ku bahoobay BRICS ay ahaayen kaliya Brazil, Russia, India, China iyo Koonfur Africa .

Bangladesh, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Uruguay ayaa loo ogolaaday inay xubno cusub ka noqdaan Bangigna sanadkii 2021 taasoo qayb ka ah dardargelinta iyo ballaarintiisa.

Wasaaradda Maaliyadda ee Algeria ayaa ku tilmaamtay ku biirista Bangiga NDB tillaabo muhiim ah oo qayb ka ah isdhexgalka nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah, waxeyna ka dhigaysa Algeria waddankii sagaalaad ee ku biira Bangiga Horumarinta Cusub

Ku biirista Algeria ee Bagigan ayaan timid kadib qiimeyn lagu sameeyay awooddeeda dhaqaale, iyada oo loo arkay dowlad leh dhaqaale xoogan oo la isku halleyn karo.

Wasaaradda Maaliyadda ee Algeria ayaa aaminsan in ku biirista Bangiga Kooxda Dhaqaalaha ee BRICS inuu u furi doono albaab cusub oo kor loogu qaadi karo kobaca dhaqaalaha dalka ee mustaqbalka fog

Algeria ayaa noqotay dowladda seddexaad ee ugu dhaqaalaha wanaagsan qaaradda Africa, iyada oo booska kala baxday Nigeria, kadib markii wax-soo-saarkeeda guud ee gudaha uu kor u dhaafay $266 bilyan.

Sannadkii hore Algeria ayaa ku guul darreysatay inay xubin buuxda ka noqoto ururka BRICS, xilligi ay ka mid noqonayeen dalalka Sacuudi Carabiya, Imaaraatka Carabta, , Masar, Iran, Ethiopia iyo Argentina oo markii dambe ka laabtay xubinamdii loo ogolaaday.

BRICS ayaa loo arkaa urur doonaya inuu loolan dhaqaale la galo kooxda G7 ee uu Mareykanku hogaamiyo, ayna ku jiraan France, Britain, Germany, Italy, Canada iyo Japan.

Xubnaha BRICS waxay dadaal ugu jiraan inay ballaariyaan ururka taasoo qayb ka ah dadaallada lagu dhisayo nidaam dhaqaale oo caalami ah kaas oo ay ka muuqdaan dowlado saamayn ku leh qaaradaha kala duwan

Shirka BRICS ee xiga ayaa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Kazan ee caasimadda Jamhuuriyadda Tatarstan ee raacsan Ruushka, bisha soo socota ee October.

BRICS waa urur dhaqaale oo ay aasaaseen Shiinaha, Brazil, Russia, India, iyo Koonfur Afrika sannadkii 2006, inkasta oo ay dowlado kale dib uga soo biireen.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here