Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho

Golaha Wasiirrada ayaa meelmariyey heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ku saabsan iskaashiga Dalxiiska.

Jigjiga

Taliyaha guud ee Ciidanka Itoobiya iyo saraakiil kale ayaa gaaray magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida si uu uga qeyb galaan munaasabadda xuska sanad guuradii 47-aad ee Taliska Ciidanka Itoobiya ee Bariga.

Imaanshaha saraakiishaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay sii kordhayso xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya.

Kenya

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa magaalada Beijing ee dalka Shiinaha kula kulmay 6 ka mid ah madaxweynayaasha waddamada qaaradda Afrika, isaga oo ka codsaday inay taageeraan musharraxnimada Raila Odinga ee xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Madaxda uu Ruto arrintan kala hadlay ayaa kala aha madaxweynaha Togo ,Faure Essozimna Gnassingbé , madaxweynaha Mali, Assimi Goita, madaxweynah Rwnada, Paul Kagame, madaxweynaha Guinea-Bissau, Umaro Sissoco Embalo, madaxweynaha Chad, Mahamat Idriss Deby iyo madaxweynaha Zambia Hakainde Hichilema .

Itoobiya

Jarmalka ayaa ugu deeqay dalka Itoobiya lacag dhan 4 milyan oo Yuuro oo loosii marsiinayo Qaramada Midoobay si loogu taageero qorshaha nabadeynata iyo xasilinta degaannada ay saameeyeen dagaalladii dalkaas ka dhacay labadi sano ee lasoo dhaafay.

Taageeradan cusub ayaa ka dhigaysa wadarta guud ee Jarmalku ugu deeqay qorshaha dib u heshiisiinta Itoobiya lacag gaareysa € 14.1 milyan.

Masar/ Turkiya

Dowladaha Masar iyo Turkiga ayaa laba jibbaaray duulimaadyada diyaaradaha ee labada dal isaga goosha kadib markii ay kala saxiixdeen heshiisyo cusub oo ku saabsan dhinaca tareennada, duulista rayidka, tignoolajiyada iyo isgaarsiinta.

Sida ku cad heshiiskan cusub duulimaadyada rakaabka ee ahaan jiray 30 toddobaadki ayaa la kordhiyey oo laga dhigay 67.

Ireland

Diyaaradda Ryanair ee laga leeyahay dalka Ireland ayaa ku dhawaaqday inay joojisay dhamaan duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Israel ilaa 26-ka October.

Yurub

Xafiiska Midowga Yurub ee Falastiin ayaa Khamiistii sheegay inuu ku wareejiyay Falastiin gargaar lacageed oo dhan 131 milyan oo doolar, si wax looga qabto dhaqaala xumada soo wajahday .

Shiinaha

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ballan qaaday in dalkiisu siin doono qaaradda Africa maalgelin dhan $51 bilyan saddexda sano ee soo socota, si loo taageero dadaallada lagu hormarinayo kaabayaasha dhaqaalaha ah, iyada oo sidoo kale la abuuri doono ugu yaraan hal milyan oo fursado shaqo ah.

Faransa

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ra’iisul wasaare u magacaabay Michel Barnier, si uu u soo dhiso xukuumad cusub

Magacaabistan ayaa timid laba bilood ka dib doorashooyinkii dalkaas ka dhacay ee sababay in looga guuleysto isbahaysigii midigta fog.

Barnier oo 73 jir ayaa noqonaya ra’iisul wasaarihii ugu da’da weynaa ee taariikhda dowladda casriga ah ee Faransiiska.

Bariga Dhexe

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka, Annalena Baerbock ayaa booqaneysa Sacuudiga iyo Jordan, taas oo qayb ka ah socdaalkeeda Bariga Dhexe si ay ugala hadasho dadaallada xabbad-joojinta ee Gaza.

Ruuhska

Shirka Madasha Dhaqaalaha Bariga oo Talaadadii bilowday ayaa weli ka socda magaalada Vladivostok, iyadoo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Anwar Ibraahim ay khudbado muhiim ah ka jeediyeen, sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyadda Shiinaha Han Zheng.

Congo

Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo ayaa heshay maanta oo Khamiis ah qaybti ugu horeysay ee gargaarka tallaalka cudurka Mpox, iyada oo qaybta labaadna lasoo gaarsiin doono maalinta Sabtida ah

Congo ayaa ah xudunta cudurka mpox ka dillaacay, iyada oo Ururka Caafimaadka Adduunka uu ku dhawaaqay xaalad caafimaad oo degdeg ah bishii hore, kadib markii uu ku faafay dalalka deriska la ah.

Bangladesh

Dowladda Bangladesh ayaa bilaabay howlgal dib loogu soo celinayo hub la bililiqeystay xilligi ay socdeen dibadbaxyadii lagu riday xukuumaddii hore ee ay hoggaaminaysay Sheekh Xasiina.

Indonesia

Indonesia ayaa la filayaa inay tarxiisho Alice Guo oo hore madax uga soo noqotay mid kamid ah magaalooyiinka Filibiin.

Alice Guo ayaa wajahaysaa dacwado dhowr ah iyo eedeymo ay ka mid yihiin in ay qarisay dhalashadeeda Shiinaha xilligii doorashooyinka.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay maalintii 335-ad, waxaana ku dhintay in ka badan 40 kun iyo 861 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 94,398 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 675 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,400 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 706, halka dhaawacana lagu sheegay 4,417, oo askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here