Thursday, September 19, 2024

Khasaare intee la eg ayaa ka dhashay dabkii ka kacay kaalinta shidaal ee Garoowe?

Garoowe (Dawan)- Sida la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhaawacmay, dhowr gaarina waa ku basbeeleen dab xalay ka kacay kaalin shidaal oo ku taal magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Muuqaalo iyo sawiro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay gaawari gubatay iyo dhismooyiin ay waxyeello kasoo gaartay dabka, inkasta oo markii dambe lagu guuleystay in la damiyo.

Sida ay goobjoogayaal sheegeen, dabka ayaa ka dhashay gaari nuuca booyadaha shidaalka ah oo ku jiray garaash u dhawaaa kaalinta shidaalka, waxaana waxyeello kala duwan soo gaartay gawaaridii kale ee ka ag dhawaa goobta.

Qofka dhaawacmay ayaa ahaa waardiyaha garaashka inkasta oo dhaawaciisa lagu tilmaamay mid fudud.

Dabka ka kaca goobaha ganacsiga xilliyada habeenkii ayaa ku badan magaalooyiinka Soomaalida waxaana ka dhasha khasaaro kala duwan iyada oo mararka qaar ay qaadato waqti dheer in la demiyo dabka.

whatsapp sharing button

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here