Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda wadatashiga Miisaniyadda Dowlada ee 2025 ee lala yeelanayo bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxaa maanta ka qeyb galay Odoyaasha dhaqanka, Haweenka, ‘Ganacsatada iyo Ururrada Bulshada Rayidka, kuwaas oo madaxda wasaaradda maaliyada la wadaagay aragtidooda la xiriirta hanaanka miisaniyadda.

Itoobiya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa carrabka ku dhuftay sida ay dadkiisa uga go’an tahay difaacidda qaranimada iyo madaxbannaanida dalkooda isagoo dhinaca kale sheegay in dalkiisu aanu waligiis ku duulin waddan kale, balse uu mar walba iska difaacyay khataro dibadda uga yimid, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, kaddib markii Itoobiya ay heshiis la gashay Somaliland, si ay u hesho bad.

Kenya

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in 3,000 oo ah carruur laga helo cudurka kansarka sanndkasta, iyada oo intaas ku dartay in la ogaado xilli dambe oo aan wax laga qaban karin.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa laga soo xigtay in sanadkasta laga diiwaangeliyo dunida dad qaba cudurka kansaraka oo gaaraya 400,000 oo qof kuwaas oo ay da’doodu tahay 19 sano iyo wixii ka hooseeya.

Morocco

Morocco ayaa celisay dad tiradoodu dhantahay 45,015 qof kuwaas oo doonayay inay si sharci darro ah tahriib ugu galaan Yurub tan iyo bishii Jannaayo., iyada oo sidoo kale gacanta laga soo dhigay 177 kooxood oo ah kuwa dadka tahriiniya.

Sannadkii hore, Morocco waxay ka hortgatay in 75,184 qof inay si sharci darro ah ugu gudbaan Yurub, taasoo ka dhiganeed wax ka badan 6% sannadkii kasii horeeyay.

Ciidamada badda ee Morocco ayaa sidoo kale badda kasoo badbaadiyay 10,859 tahriibayaal ah sannadkaan, sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Zambia

Qayb ka tirsan ciidamada Zambia oo qayb ka ahaa Hawlgalka Xasilinta Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay (MINUSCA) ayaa dalkooda dib ugu laabtay kadib markii uu soo idlaatay howlgalkii ay ku joogeen Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika

178-askari ayaa ka degay garoonka diyaaradaha ee Kenneth Kaunda ee saldhigga ciidamada cirka Zambia ee ku yaalla caasimadda dalkaas ee Lusaka, halkaas oo loogu sameeyay soo dhawayn

Hindiya

Wasaaradda caafimaadka ee Hindiya ayaa sheegtay in qof ka yimid mid kamid ah wadamada uu ka dillaacay cudurka Mpox looga shakiyay inuu qabo cudurkaas.

Wasaaraddu ma xaqiijin in qofkan laga helay cudurka balse waxay tilmaamtay in baaritaan ku socodo lana karantiilay.

Algeria

Guddiga doorashada Algeria ayaa lagu wadaa in maanta ay ku dhawaaqo natiijada doorashada madaxtinimo, iyadoo la filayo in madaxweynaha xilka haya Cabdimajiid Tebboune uu mar labaad ku guuleysto xilka madaxtinimada.

Singapore

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Singapore Vivian Balakrishnan ayaa booqasho laba maalmood ah ku tagaya Shiinaha kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Shiinaha Wang Yi.

Czech

Wasiirka arrimaha dibadda Czech Jan Lipavsky ayaa booqasho 4 maalmood ah ku tagaya Kuuriyada Koonfureed. Lipavsky waxa uu kulan laba geesood ah la yeelan doonaa dhiggiisa Cho Te-Yul waxa uuna sidoo kale la kulmi doonaa Ra’iisul Wasaare Han Duk-so.

Spain

Raiisel wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa booqasho rasmi ah oo afar maalmood ah uga bilaaban doonta Shiinaha, halkaas oo uu kula kulmi doono dhiggiisa Li Qiang iyo sidoo kale madaxweyne Xi Jinping.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay bishii 12-aad iyada oo aysan muuqanin rajo laga qabo inay dhacdo xabbad joojin marka laga eego mowqifyada labada dhinac sida ay u kala fogyihiin.

Ciidamada Israel waxay duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka ah ku dishay in ka badan 40 kun iyo 939 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 94,616 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 692 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,700 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 706, halka dhaawacana lagu sheegay 4,417, oo askari.

Israel waxa ku dhawaaqday inay xirtay xuduudaha dhulka ee ay la wadaagto Jordan, ka dib markii maanta lagu dilay xadka u dhexeeya Daanta Galbeed iyo Jordan seddex qof oo Israel kasoo jeeda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here