Thursday, September 19, 2024

Rag loo maxkamadeynayo inay falal argagixso ka fulin rabeen Somaliland

Muqdisho (Dawan)- In xubno ka tirsan Al-shabaab lasoo tago maxakmad waa arrin ay la qabsadeen indhaha dadka Soomaaliyeed balse waxaa cajiib ku noqday in Muqdisho lagu maxkamadeeyo eedeysanayaal loo haysto inay weeraro ka geysan rabeen  Somaliland.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa shalay lasoo taagay afar nin oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaas oo lagu soo oogay dambi ah inay qorsheynayeen in ay weeraro ka geystaan Somaliland.

Al-shabaab loogma baranin inay howlgal ka fuliyaan deegaanada Somaliland oo deegaanada kale ee Soomaaliya uga tilmaaman nabad iyo xasilooni

Raggaan afarta ah ayaa  kasoo jeeda Somaliland, waxaana loo haystaa inay ku lug leeyihiin qorshe la doonayay in lagu carqaladeeyo amaaanka Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Haddaba waayo ragaan?

Jaabir Xasan Diiriye Cigaal waa mid ka mid ah eedeysanayaasha, waxa uu  ka soo jeeda Hargeysa, halkaas oo uu ku soo qaatay waxbarashadiisii hore, ka hor inta uusan u safrin Soomaaliya 2020 si uu ugu biiro Al-Shabaab. Jaabir ayaa la sheegay in uu tababar ciidan ku qaatay Jilib, kadibna uu ka qeyb qaatay hawlgallo ka dhacay koonfurta Soomaaliya.

Eedeysane C/wahaab Dheeg Ismaaciil Axmed sida la sheegay waxa uu Al-Shabaab ku biiray dabayaaqadii 2023 kadib markii laga soo qoray Somaliland.

Eedeysanaha saddexaad ee Khaalid Xasan Faarax Jaamac, oo horey macallin uga soo ahaa magaalada Burco, waxaa la sheegay in Al-Shabaab uu lacag dhan $100 ka qaatay si uu fikradaha xagjirka ah ugu faafiyo dhalinyarada magaalada.

Eedeysanaha afaraad oo ah 55 jir ayaa lagu magacaabaa C/kariin Ibraahim Cilmi, waxa uu ku eedeysanyahy inuu tababar ciidan ku qaatay Jilib. Dacwad-oogayaasha ayaa ku eedeeyay inuu ku soo laabtay Somaliland isagoo doonaya inuu ka huriya qalalaase magaalada Burco.

Maxkamadda ayaa la filayaa inay soo saarto xukunka eedeysanayaasha dhawaan haddii la helo caddeymo ku filan, iyagoo la kulmi kara ciqaab adag oo ku saleysan shuruucda ciidamada Soomaaliya ee ka hortaga falalka argagixisada. Dacwaddan ayaa dib usoo cusboonaysiisay doodaha ku saabsan joogitaanka kooxaha xagjirka ah ee Somaliland oo inta badan ka badbaaday rabshadaha ka dhacaya qaybo kale oo Soomaaliya ka tirsan.

Hadal-haynta ka dhalatay baahinta sheekadooda

Intaa waxaa sii dheer, barnaamij 26 daqiiqo ah oo uu  baahiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliya ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, iyadoo faahfaahin ka bixinaysay maxkamadda, istiraatiijiyadaha qareennada difaaca, su’aalaha dacwad-oogayaasha, iyo markhaatiyada eedeysanayaasha.

Daawadayaasha ayaa si gaar ah uga falceliyay sheekooyinka gaarka ah ee eedeysanayaasha, kuwaas oo faahfaahin layaab leh ka bixiyay noloshoodii kahor intaysan Al-Shabaab ku biirin. Sheekooyinkooda ayaa ka yaabisay dad badan oo isweydiiyay sida ay ugu lug yeesheen qorshayaal weerar oo ka dhaca Somaliland.

Barnaamijkan ayaa durba saameyn ku yeeshay fikirka guud ee shacabka, iyadoo dad badan ay hadda su’aal ka keenayaan saameynta dhabta ah ee Al-Shabaab ku leedahay Somaliland iyo halista ay ku yeelan karto degenaanshaheeda .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here