Thursday, September 19, 2024

Maxkamadda Sare ee ciidamada oo xukuno culus dul dhigtay 2 askari

Muqdisho (Dawan)- Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta go’aan ka soo saartay dacwad loo haystay laba sarkaal oo kala tirsan NiSA iyo Boliiska kuwaas oo lagu kala magaacaabo Mahad Cali Cabdi iyo Cadnaan Muuse Maxamed .

Labada sarkaal ayaa isku farasaaray bar koontarool oo ku taalla isgoyska Taleex ee degmada Hodan, taas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Labadan sarkaal ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilka Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse, kaasoo doonayay inuu dhex dhexaadiyo labadooda, xilli uu khilaaf soo kala dhex galay, iyagoo kuwada sugan isgoyska Taleex.

Iska horimaadka ayaa dhacay June 27, 2024, waxaana ku dhintay marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse

Xeer ilaalinta, oo ay weheliyaan qoyska marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse, ayaa racfaan ka qaatay xukunkii ugu horeeyey ee maxkamadda darajada koowaad, oo soo baxay Agoosto 28, 2024. Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday in dib loo eego kiiska. taasoo keentay dhageysiga maxkamadda sare.

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa markii ay waqti ku filan u siisay labada dhinac in ay soo bandhigaan caddeymahooda, waxa ay maanta soo saartay go’aan ka soo baxay maxkamadda.

  1. Dable NISA Mahad Cali Cabdi oo ku magac dheer “Madaxeey” ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, iyadoo la raacayo mabda’a Qisaas dilkii Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse.
  2. Sarkaalka kale ee tirsan Booliska Dable Cadnaan Muuse Maxamed ayaa lagu xukumay lix sano oo xabsi ciidan ah, iyada oo la eegayo ku lug lahaanshihiisi falka uu ku dhintay Cabdiraxmaan Cusmaan Muuse.

Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yaroow, Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Warbaahinta u aqriyay Xukunka Maxkamada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here