Thursday, September 19, 2024

200 oo qof oo loo tababaray maareynta masiibooyinka Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Muqdisho waxaa tababar socday muddo bil ah loogu soo gabagabeeyay ku dhawaad 200 oo shaqaale ah oo ka tirsan Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), waxaana gacan ka geystay hirgelinta tababarkaan dowladda Turkiga.

Inta uu socday tababarku waxa ay ka qaybgalayaashu ku barteen xirfadaha asaasiga ah ee gargaarka degdegga ah gaar ahaan kuwa la xiriira caafimaadka.

Waa tillaabo kale oo Soomaaliya ay ku dooneyso inay wax uga qabato dhibaatooyina ka dhasha masiibooyiinka dabiicga ah ee kusoo noqnoqday dalka gaar ahaan abaaraha iyo fatahaadaha.

Shaqaaluhu waxay tababaarka ku qaateen isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista Turkiga ee Muqdisho, kaas oo sidoo kale loo garan ogyahay Isbitaalka Erdogan.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa ka qeyb galay xiritaanka tababarka .

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktas iyo Madaxa Bisha Cas ee Turkiga ee Soomaaliya, Serif Simsek, ayaa sidoo kale goob joog ahaa munaasabadda lagu soo gabagabeeyay tababarka.

Maxay tahay ujeedada tababarka?

Ujeedada tababarka ayaa ah in loo diyaariyo shaqaalaha hay’adda SoDMA sidii ay ula tacaali lahaayeen xaaladaha degdega ah ee ka dhasha masiibooyinka waaweyn iyo in gargaar caafimaad ay u fidiyaan dhibanayaasha, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay SoDMA.

“Xilliga uu kusoo aaday barnaamijkan waa mid aad ugu habboon, maadaama Soomaaliya ay dhawaanahan ka dhaceen qaraxyo badan oo sababay dhaawaca muwaadiniinta” Sidaas waxaa yiri; Guddoomiyaha SoDMA

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa uga mahadceliyey hay’adaha Turkiga taageerada hagar la’aanta ah ee ay siiyeen Soomaaliya, wuxuuna ku booriyey shaqaalaha Soomaaliyeed inay ka faa’ideystaan ​​xirfadaha ay heleen si ay dadka u caawiyaan.

Safiirka Turkiga ayaa dhankiisa caddeeyay sida ay dalkiisa uga go’an tahay sii wadida bixinta koorsooyinka tababarada si kor loogu qaado tayada shaqaalaha dowladda Soomaaliya.

“Ujeedka barnaamijku waa in la horumariyo awoodda shaqaalaha hay’adda ee dhinaca gargaarka degdegga ah.” sidaas waxaa munaasabadda ka sheegay Madaxa Bisha Cas ee Turkiga ee Soomaaliya, Serif Simsek,

Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya ayaa qayb wayn ka qaatay kor u qaadidda iyo tayeynta dhinacayada waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka, waxa uuna sidoo kale bixiyay gargaar bani’aadanimo oo ballaaran tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Bishii hore, Hay’adda TIKA ayaa adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah ka fulisay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyada oo sidoo kale tababar u samaysay xirfadlayaasha daryeelka caafimaadka iyo ardayda caafimaadka muddo 10 maalmood ah.

Hay’adda ayaa baaris ku sameeyay 267 bukaan, waxayna sameeyeen 87 qalliin oo lagu guuleystay iyagoo daweeyay burooyinka, iyo xaalado kale oo halis ah kuwaas oo markii hore aan Soomaaliya wax looga qaban karin, waxayna bukaannada ka caawinayeen inay dib u helaan caafimaadkooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here