Friday, September 20, 2024

Itoobiya..Roobab mahiigaan ah oo sababay barakaca 20,000 oo qof

Addis Ababa (Dawan)- Roobab mahiigaan ah oo ka da’ay degmada Jikawo ee ka tirsan gobolka Gambella ee dalka Itoobiya ayaa sababay in uu buux dhaafo wabiga Baro, waxaana ka dhashay barakaca in ka badan 20,000 oo qof, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

Waxaa lasoo warinaya burbur xooggan oo soo gaaray guryaha iyo dhul beereed, iyada oo dadkii barakacay ay hooy ka dhigteen iskuuladda iyo xarumaha kale ee dowladda.

Chol Riang, oo kamid ah dadka deegaanka oo ay saameeyeen fatahaaduhu, ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in dad badan oo barakacayaal ah aysan weli helin gargaar ku filan inkastoo loo raray magaalada Kwatangnyang.

Andriw Tut, oo ah madaxa degmada Jikawo, ayaa u sheegay Deutsche Welle (DW) in dadka soo barakacay loo ogolaaday inay hooy ka dhigtaan goobaha waxbarashada, xarumaha diimeed iyo xafiisyada dowladda ee magaalada Kwatangnyang.

Gadbel Mun, Madaxa Xafiiska Maareynta Khatarta Masiibooyinka ee Gobolka, ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu caawinayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay wabigaBaro. Fatahadahan ayaa yimid iyada oo Machadka Saadaasha Hawada Itoobiya uu soo saaray 13kii Agoosto, digniin la xiriirta khataraha iman kara, oo ay ku jiraan fatahaadaha webiga iyo roobabka mahiigaanka ee kusoo wajahan deegaanka.

Gobollada kale, guddiga ka hortagga masiibooyinka iyo haqab-beelka cuntada ee gobolka Amxaarada ayaa sheegay in ilaa 400,000 oo qof oo ku nool in ka badan 34 degmo oo ka tirsan gobolkaas inay halis ugu jiraan masiibooyinka dabiiciga ah xilli roobaadkan.

Deegaanka Silte, fatahaaduhu waxay qariyeen in ka badan 900 oo guri waxayna barakiciyeen in ka badan 6,000 oo qof. Wararka ayaa sheegaya in roobab mahiigaan ah oo ka da’ay xaafado badan oo ka tirsan degmooyinka Silti inay baabi’iyeen in ka badan 1,200 hectare oo dalag ah, oo ay ku jiraan galley, , cambe, babaay, iyo coffee.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here