Thursday, September 19, 2024

Shaqa joojinta shaqaalaha oo hakisay duulimaadyadii garoonka Jomo Kenyatta 

Nairobi (Dawan)- Shaqa joojinta ay sameeyeen shaqaalaha garoonka caalamiga ah ee ugu weyn Kenya ee magaalada Nairobi ee Jomo Kenyatta  ayaa sababtay dib u dhac ku yimid duulimaadka iyo in la baajiyo rakaabkii dhoofayay ama kasoo degayay garoonka, sida ay Kenya Airways sheegtay.

Ururka ugu weyn ee shaqaalaha duulista ee Kenya ayaa sheegay in ay qaadi doonaan tillaabooyin ay uga soo horjeedaan heshiis ay xukuumaddo la gashay shirkadda Adani Group ee laga leeyahay Hindiya, taas oo dooneysa inay ballaarin ku sameyso garoonka.

Ururku waxa uu ku doodaya in heshiiskaan oo lagu dhawaaqay bishii ee July ee lasoo dhaafay inuu horseedi doono khasaare shaqo iyo in la keeno shaqaale aan Kenyan ahayn.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in garoonku uu yahay mid ku shaqeeya in ka badan awoodiisa, isla markaana uu u baahan yahay casriyeyn balse uusan iib ahayn.

Fiidiyowyada lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya boqollaal rakaab ah oo saf ku jira ka dib markii shaqo joojintu ay bilaabatay saqdii dhexe ee Talaadadii.

Subaxnimadan Arbacada ah, waxaa la arkayay toboneeyo ka mid ah shaqaalaha garoonka oo afuufaya buun , iyaga oo ku dhawaaaqaya “Shirkadda Adani waa inay baxdo”.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa Isniintii si ku meel gaar ah u hor istaagtay qorshaha ay shirkadda Adani, ku dooneyso inay dhisto dhabaha diyaaradaha ee cusub, isla markaana ay cusboonaysiiso terminalka rakaabka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here