Thursday, September 19, 2024

Somaliland oo cayrisay shaqaalaha Maktabadda Masar

Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa albaabada isagu laabtay Maktabadda Dhaqanka Masar ee Hargeysa, iyada oo shaqaalaha ka howlgala u qabtay inay Somaliland uga baxaan 72 saacadood gudahood.

Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay maanta wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Ciise Kayd.

Go’aanka Somaliland kasoo baxay ayaa lagu yiri; ““Xukuumadda Somaliland waxay go’aansatay in si joogto ah loo xiro “Maktabadda Dhaqanka Masar” ee magaalada Hargeysa sababo dhinaca ammaanka ah. Dhammaan shaqaalaha ayaa lagu amray inay dalka uga baxaan 72 saacadood gudahood”

Dhanka kale, Wasiirka waxa uu sheegay inuu guul ku soo dhammaaday isfahankii Somaliland iyo Ethiopia kaas oo dhawaan noqon doona heshiis sharci ah.

Ciise Kayd ayaa ku wargeliayay diblomaasiyiinta caalamiga ah walaaca ay Somaliland ka qabto ciidamada Masar ee la qorsheynayo in la keeno Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay inay gacan ka geystan doonaan colaadaha gobolka.

Waa tillaabadii ugu horeysay ee Somaliland ka qaaddo Masar tan iyo markii ay billaabatay xiisadda ka taagan gobolka, taas oo ay xildheerayaashu u arkaan inay kasii dari doonto haddii aan laga gaarin xal degdega ah.

Bishii April ee lasoo dhaafay, Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan lagu xiray qunsuliyadaha ay Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, iyada oo sidoo kale la faray shaqaalaha ka howl geli jiray in ay muddo todobaad ah uga baxaan dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here