Friday, September 20, 2024

Mareykanka oo Masar siinaya $1.3 billion oo gargaar milatari ah

Qaahira (Dawan)- Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku sheegay in madaxweyne Joe Biden uu ku wargeliyay Congress-ka in ay Masar la siin doonaan gargaar milateri oo ku kacaya 1.3 bilyan oo doolar, waana markii ugu horreysay tan iyo 2020 oo Masar ay si buuxda u hesho gargaar qiimihiisu dhanyahay intaan, sida ay sheegtay Reuters.

Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegantay xilli Washington ay si weyn ugu tiirsan tahay Qaahira, oo muddo dheer xulafo la ahayd Maraykanka, si ay u dhexdhexaadiso wadahadallada u Israel l iyo Xamaas ee ku saabsan in la gaaro heshiis xabbad-joojin ah iyo in lasoo soo afjarayo dagaalka Marinka Gaza.

Lacagtan oo loogu tala galay maalgelinta milatariga shisheeye ee Mareykanku u qoondeeyay Masar, waxaa ka mid ah $320 milyan oo horay loogu xiray shuruudo sababay ugu yaraan in la hakiyo qayb ka mid ah lacagtan dhawrkii sano ee la soo dhaafay.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken ayaa u sheegay Congress-ka in laga tanaasuli doono shuruudaha lagu xiray Masar, iyada oo la eegayo danta amniga qaranka Mareykanka

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa yiri, “Go’aankan wuxuu salka ku haya in la xoojiyo nabadda gobolka iyo ka qayb qaadashada joogtada ah ee Masar ee mudnaanta amniga Mareykanka, gaar ahaan marka la eego dhameystirka heshiiska xabbad joojinta ee Gaza.”

Sanadkii la soo dhaafay, Mareykanka ayaa shuruud ku xiray gargaarka la siiyo Masar, kadib markii lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha balse hadda waxaa muuqata inuu ka tanaaasulay shuruudahaas.

Go’aankaan ayaa sidoo kale kusoo aaday, iyada oo Masar ay isku diyaarineyso inay ciidamo usoo dirto Soomaaliya taas oo ka careysiisay Itoobiya oo u aragta Qaahira cadaw kusoo dhawaaday xudduudeeda.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa qiray in Muqdisho lasoo gaarsiiyay hub kala duwan oo uga yimada Masar laakin waxa uu tilmaamay inaysan xiriir la lahayn khilaafka wabiga Nile ee ka dhexeeya labada dal.

Hubkan ayay Soomaaliya u adeegsan doonta la dagaalanka ururka Al-shabaab sida uu Cali Balcad u sheegay TV-ga Aljazeera ee laga leeyahy Qatar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here