Thursday, September 19, 2024

Doorashada Koonfurta Suudaan oo dib loo dhigay 2 sano oo dheeraad ah

Juba (Dawan)- Madaxweynaha Koonfurta Suudaan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in doorashadii la wada sugayay dib loo dhigay laba sano oo dheeraad ah, iyadoo mar kale la kordhiyay marxaladda kumeel gaarka ah ee ay horay ugu heshiiyeen dhinacyada dalkaas.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Koonfurta Suudaan ayaa lagu sheegay in muddo laba sano ah lagu kordhiyay marxaladda kumeel gaarka iyada oo doorashadii lagu ballansanaa inay la qabto December 2024, loo bedelay 22ka December 2026.

Go’aanka dib u dhigga doorashada ayaa yimid, iyada oo laga jawaabayo talooyinka hay’adaha doorashada iyo laamaha amniga, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka

Horraantii sanadkan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku booriyay dhinacyada Koonfurta Suudaan inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah si dalkaas looga hirgeliyo doorasho toos ah loogana baxo kumeel gaarnimada dowladda Koonfurta Suudaan

Muwaadiniinta dalka ugu da’da yar qaaradda Africa ayaa sugayay inay arkaan doorashadoodi ugu horeysay tan iyo markii ay ka go’een Suudaan sannadkii 2011-kii, balse go’aanka kasoo baxay madaxtooyada ayaa u muuqda mid mugdi geliyay rajadii dadwaynaha.

Kadib lix sano oo calaad sokeeye ah, waxaa dalkaas ka dhacay heshiis lagu soo afjaray dagaalkii ka socday Koonfurta Suudaan, waxaana la isla gartay in madaxweyne Salva Kiir iyo madaxweyne ku xigeenka Riek Machar, inay dalka ka saaraan marxaladda kumeel gaarka ah, iyaga oo dalka ka qabanaya doorasho lagu yahay heshiis

Inkasta oo dagaalkii siyaasadeed dhamaaday hadana dalkaas weli waxaa ka jira colaado u dhexeeya qabiilada wadadega iyo musuqmaasuq baahsan oo aad u wiiqay dhismaha dowladnimada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here