Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay qaraar ku saabsan habraaca dhismaha iyo ansixinta hay’adaha madaxa banaan ee dowladda, Waxaana ogolaatay 149-xildhibaan, afar xildhibaan ayaa diiday hal Xildhibaanna waa ka aamusay .

Hargeysa

Komishanka Doorashooyinka Somalialnd ayaa maanta guddoonsiiyay musharixiinta Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynaha ee ka qaybgalaya doorashada shahaadada musharaxnimo, waxaana markale tartanka madaxtinimada isku arki doona Muuse Biixi Cabdi , Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Faysal Cali Waraabe

Jabuuti

Jabuuti iyo Midowga Yurub ayaa iska kaashanaya amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed kadib dhacdadii Markabkii M/T Sounion ee ay kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ku bartilmaameedsadeen badda Cas.

Itoobiya

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, Taye Atske-Selassie, ayaa u sheegay Ergeyga Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika, walaaca uu dalkiisu ka qabo xilliga kala guurka ah ee ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Labada dhinac waxay kawada hadleen nabadeynta Itoobiya iyo ammaanka gobolka

Kenya

Jarmalka iyo Kenya ayaa wada galay heshiis ogolaanaya in 250,000 oo shaqaale Kenyan ah oo xirfad iyo aqoon hoose leh inay shaqo ka helaan Jarmalka . Heshiiska ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyadda Jarmalka uu wax kaga qabanayo dhibaatada ka haysta helidda shaqaalo xirfad leh.

NATO

Madaxda gaashaandhigga ee NATO ayaa ku kulmaya Prague si ay uga wada hadlaan istaraatiijiyada militari ee isbaheysiga . Madaxweynaha Czech Petr Pavel ayaa khudbad ka jeediyaan kulanka.

Asia

Roobab mahiigaan ah iyo daadad xoogan ayaa saameeyay nolosha dadka wadamada Vietnam, Myanmar, Thailand, iyo Filibiin ee Koonfur-bari Aasiya. Boqolaal qof ayaa ku dhintay, boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Nigeria

Sidoo kale, dalka Nigeria waxaa ku dhintay ugu yaraan 37 qof, waxaana ku barakacay ku dhawaad ​​400,000 oo kale kadib markii uu dalkaas ka da’ay roob xoogan oo sababay daadad badan.

Mali

Diblomaasiyiin sare oo ka tirsan dowladaha Mali, Burkina Faso, iyo Niger ayaa shir uga socdaa caasimadda Mali ee Bamako iyada oo ay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkaas kusoo biiri doonaan kulanka maalinta Isniinta. Saddexdan dal ayaa dhawaan ka go’ay urur goboleedka ECOWAS waxay ku dhawaaqeen urur cusub oo ay ku midaysan yihiin saddex dal.

Congo

Maxkamad militari oo ku taal Kinshasa ayaa dil toogasho ku xakuntay 37 qof oo saddex ka mid ah ay u dhasheen Mareykanka kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen isku daygii afgambi oo ka dhacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo bishii May ee la soo dhaafay.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay bishii 12-aad iyada oo aysan muuqanin rajo laga qabo inay dhacdo xabbad joojin marka laga eego mowqifyada labada dhinac sida ay u kala fogyihiin.

Ciidamada Israel waxay duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka ah ku dileen in ka badan 41 kun iyo 118 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 95 kun iyo 125 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 703 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,700 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 708, halka dhaawacana lagu sheegay 4,440, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here