Thursday, September 19, 2024

Faahfaahinta kiiska dacwadda ku oogan safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuldareysatay inay ku qanciso Maxkamadda Sare qaadista amarka lagu xayiray akoonnada bangiyada safaaradeeda Nairobi sababo la xiriira deyn dhan 25.6 milyan oo shilin oo ay ku leedahay shirkad qandaraasle Kenyaan ah.

Garsoore Alfred Mabeya ayaa Khamiistii la soo dhaafay, diiday codsi ay soo gudbisay Xeer Ilaalinta Guud ee Soomaaliya oo ka dalbanaysay in laga qaado amarka sanadkii hore lagu xayiray akoonnada safaaradda ee bangiga ee Premier Bank Limited ee ka dhashay codsiga shirkadda Kingsley Construction Limited.

Shirkadda qandaraaslaha ah ayaa dacwadda ku soo oogtay Dowladda Soomaaliya sannadkii 2019, iyadoo ku eedeysay inay jebisay qandaraaskii dayactirka safaaradda ay ku leedahay Nairobi.

Soomaaliya ayaa go’aankaas racfaan ka qaadatay, iyadoo ku doodaysa in go’aankaasi sharci darro yahay, maadaama dowladdu leedahay xasaanad diblomaasiyeed balse, Garsoore Mabeya ayaa diiday codsiga isagoo caddeeyay in Soomaaliya aysan adeegsan karin xasaanadda dublamaasi si ay uga fogaato mas’uuliyadda sharciga ah ee ka dhalatay hawlaheeda ganacsi.

Garsooruhu wuxuu sheegay in aan lagu muransaneyn in heshiiska horseeday dacwadda uu ahaa mid ganacsi, maadaama qandaraaslahu sameeyay shaqo dayactir ah oo lagu sameeyay safaaradda ku taal Nairobi.

“Xaaladdan oo kale, maxkamaddu waxay caddeyneysaa in mabda’a xasaanadda qaran uusan quseynin hawlaha ganacsi. Mabda’ ahaan, marka dowlad ama hay’adaheeda ay ku lug yeeshaan heshiisyo ganacsi, waxay lumiyaan xasaanadda caadiga ah ee loo sameeyo ficillada qaran,” ayuu yiri garsooruhu.

Maxkamadda ayaa sidoo kale caddeysay in bangigu xaqiijiyay inuu hayo lacag ku filan si loo bixiyo deynta oo ku jirta koontada safaaradda.

Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ah safiirka Soomaaliya ee Nairobi ayaa dooday in Kenya iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay yihiin dalal siman marka laga eego sharciga caalamiga ah, sidaas darteed, safaaradda iyo saraakiisheedu waxay leeyihiin xasaanad ka hor maxkamadaha Kenya.

Jibriil wuxuu sheegay in akoonnada bangiga ee la xayiray ay ku jiraan lacagaha laga helo codsiyada iyo khidmadaha la xidhiidha dalbashada baasaboorrada iyo fiisooyinka ee safaaradda.

Khilaafkan wuxuu yimid markii shirkadda Kingsley ay dacwad ku soo oogtay safaaradda Soomaaliya sannadkii 2019, sababo la xiriira heshiis ay sannadkii 2016 ku saxiixatay inay dayactir ku sameyneyso safaaradda ku taal Nairobi.

Safiirkii hore ee Soomaaliya Maxamuud Nuur Tarsan ayaa gebi ahaanba diida jiritaanka wax heshiis ah oo lala galay shirkadda Kingsley, isga oo ku tilmaamay inuu ahaa isku day lagu dhacayay lacagta jaaliyadda Soomaaliyeed oo ku taburucday qeyb kamid ah lacagta lagu dhisay safaaradda.

Tarsan oo la hadlay Dawan TV ayaa sheegay “in uusan jirin wax heshiis ah oo shirkaddan lala galay iyo wax howl ah oo ay safaaradda ka qabatay”, waxa uu safiirka Soomaaliya hadda u fadhiya Turkiga Fatxudiin Cali ku eedeeyay inuu horjeege u ahaa isku dayga lagu lunsan lahaa 200 oo kun oo doollar oo aan jirin oo safaaradda lagu sheegtay.

Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Turkiga ayaa dhankiisa sheegay in dadaalka jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee lagu dayactirayay safaaradda uu soo billawday 2015kii balse safiir Tarsan uu diiday inuu sii wado howshii socotay, isla markaana uu dafiray shaqada shirkadii qabatay dayactirka safaaradda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here