Thursday, September 19, 2024

Diyaarad wax qaadeysa ayaad arki jirtaye iyadi oo la qaadayo ma aragtay?

Riyaad (Dawan)- Hadal hayn badan ayaa ka dhalatay gudaha Sacuudi Carabiya kadib markii la arkay seddex diyaaradood oo la saaray dhowr gawaari kadib la marsiinayo waddooyiinka waaweyn ee dalkaas.

Arrintaan la yaabka la noqotay dadwaynaha, waxaa sharraxaad ka bixisay hay’adda Madadaallada ee Sacuudiga, iyada oo sheegtay in diyaaradaha laga soo qaaday magaalada Jeddah lana geynayo caasimadda dalka ee Riyaad.

Diyaaradahan oo ah diyaarado waaweyn oo Boeing 777 ayaa la gayn doona goob loogu tala galay dalxiiska iyo madadaallada oo lagu magacaabo Boulevard City, waxaana laga dhigi doona dukaamo, maqaayado iyo goobo ay ku damaashaadaan dadka waaweyn iyo carruurta.

Masaafada ay jarayaan ayaa lagu sheegay 1,000 kilomitir, waxaana lagala kulmay caqabado badan qaadistooda sababo la xiriira waynaanta diyaaradaha iyo Sacuudiga oo ay arrintaan ku cusubtahay.

Dhirirka halki diyaarad waxa uu gaarayaa qiyaastii 64 mitir, ballaca dayuuradaduna waa 6.2 mitir, laakin caqabadda ugu weyn ayaa ah joogga diyaaradaha oo lagu sheegay inuu kor u dhaafayo 6 mitir, kaas oo ah mid ka dheer qaar ka mid ah joogga buundooyinka una baahan in laga fogeeyo agagaarka buundooyinka dalkaas.

Sacuudigu waxay ku faanayaan inay halmar fulinyan howsha qaadista seddex diyaaradood iyada oo aan qaybaheeda lakala jarin, sida ka dhacda inta badan caalamka.

Mid kasta oo ka mid ah diyaaradahan waxay dunida kusoo wareegtay oo ay rakaab qaadeysay muddo ku dhow 18 sano, balse hadda iyagi ayaa galay booski rakaabka oo la qaadaya

Diyaaradda koowaad oo wadata magaca HZ-AKG, waxay shaqa billawday bishii March 1998-kii, waxaana shaqada laga saaray bishii September ee sanadkii 2016-kii.

Diyaaradda labaad, oo ku diiwaan gashan HZ-AKK, ​​ayaa billawday howlgalkeeda September 1998, waxaana howlgab laga dhigay bishii September 2016.

Diyaaradda seddexaad, oo iyaduna ku diiwaan gashan HZ-AKP, waxay shaqaynasay inta u dhaxeysay bishii March 1999 ilaa June 2017.

Dadwaynaha Boqortooyada ayaa ku kala aragti duwan tillabadan diyaaradaha loogu bedelayo in lagu soo jiito indhaha dalxiisayaasha, waxayna qaarkood u arkaan inay tahay arrin mudan bogaadin iyo aragti dheer oo laga fikiray. Balse dhanka kale, waxaa jira dad aaminsan inay tahay falaad iyo ku takrifal hantida dadwaynaha, maadaama howlgalkan ay ku baxayso lacag tira badan, iyada oo laga yaabo in mashruucaan uu noqdo mid guuldarreysta, sida barnaamijyo ay fulisay hay’adda Madadaalladda ee dalkaas oo hirgeli waayay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here